Djabouti: Wasiir Sanad Mushahaarkiisa Ugu Deeqay La Dagaalanka Cudurka Corona

0

Djabouti (Sagalnews) – Wasiirka Maaliyadda Ee Dalka Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa ku dhawaaqay In Uu Muddo sannad ah Mushahaarkiisa uu ugu deeqo Doono La Dagaalanka Cudurka COVID 19, kaas oo kiisaskii ugu horeeyay laga helay Dalkaasi.

Ilyaas Muuse Waxa uu shacabka dalkaasi iyo Guud ahaanba umadda Islaamka ilaahay uga baryay in uu hareer mariyo cudurkaas oo ah mid saamayn ku yeeshay dadyoowgii dunida ku wada noolaa.

Dawladda Djabouti ayaa hore ugu dhawaaqday talaabooyin lagaga hor tagayo cudurka Covid 19, Waxaanay xukuumaddu ugu baaqday shacabka dalkaasi in ay ka feejignaadaan meelaha la isugu yimaado, halkaas oo ah goobo si dhib yar loogu kala qaadi karo cudurkan.

wadamada geeska afrika ku yaala Ethiopia, Soomaaliya, Djabouti, Kenya iyo Somaliland ayaa laga helay dad uu haleelay cudurkaasi.

Sagalnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here