Djabouti: Afar Qof Oo Somaliland Ka Yimid Ayaanu Ka Helnay Cudurka Coronavirus

0

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay afar qof oo kasoo laabtay dhinaca Somaliland in laga helay cudurka Coronavurus, kadib markii baadhitaan lagu sameeyay iyagoo ku sugan degmada Lowyacadde ee xuduuda kutaala.

Xoghayaha caafimaadka Jabuuti, Dr. Saalax Benoyta, ayaa sheegay in dadkaasi laga helay cudurka Coronavirus ay doonayeen inay Jubuuti ku galaan safar lug ah kadib markii la mamnuucay socdaalkii dhinaca hawada.

Warar kale waxay sheegayaan in dadkaasi markoodii hore ay ka yimaadeen meelo ka baxsan Somaliland, balse markii la xidhay hawada Jabuuti ay socdaalkooda usoo wareejiyeen dhinaca Hargeysa, iyagoo kadibna safar lug ugu soo ambo baxay Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here