Diyaarad Rakaab Siday Oo Ruushka Ku Burburtay

0
257

Wararka ka imaanaya dalka Ruushka ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 71 qof ay burburtay waxyar un kaddib markii ay ka kacday garoonka Domodedovo ee magaalada Moscow.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegaysa in Diyaaradaas ay laheyd shirkadda diyaaradaha ee Saratov .

Diyaaradan oo noocedu yahay Antonov-148 ayaa u safraysay magaalada Orsk ee xadka la wadaagto dalka Kazakhstan.

Waxaa lagu soo waramay in Diyaarada ay ku dhacday meel u dhaw Argunovo oo sideetan kiloomitir kaga began koonfurta bari ee magaalada Moscow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here