Digaag Qudha Ka Jaray Dacawo Weerar Ku Soo Qaaday

0

Digaag ku sugan beer lagu xannaaneeyo oo iskuul leeyahay oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Faransiiska ayaa la rumaysan yahay in ay isugu tageen oo dileen dacawo.

Dhacdadan naadirka ayaa ka dhacday gobolka Brittany ayaa la rumaysan yahay in ay timid ka dib markii dawacadu ay dhex gashay saddex kun oo digaag ah ka dibna uu durba is xidhay albaabkii uu ka soo galay.

“In badan oo ka mid ah digaagii ayaa is aruursaday ka dibna afkooda fiiqan ayay ku weerareen” ayuu yidgi Pascal Daniel oo ah madax ka ah beerta lagu dhaqo digaaga ee iskuulka Gros-Chêne.

Maydka dawacada yar ayaa meel gees ah lagahelay maalintii xigtay.

Luqunta ayay xagtimo iyo dhaawac kaga yaaleen ayuu yidhi Daniel oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP

Beertan lagu dhaqo digaagga waxaa ku sugan 6,000 oo digaag, kuwaas oo lagu hayo shan aykar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here