Dhul Gariir Xoog Badan oo ku dhuftay Giriiga Iyo Turkiga

0

Dhul Gariir Xoog Badan oo cabirkiisa lagu qiyaasay in uu gaadhsiisan yahay 7.0 Qiyaasta Dhul Gariirada ayaa ku dhuftay Dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Dad baa la sheegayaa in ay ku dhinteen Dhul Gariirkaasi, in kasta oo aan tiradooda la garanayn.

Dadka qaarka ayaa isugu soo baxay jidadka Magaaladda Xeebta ku taala ee Izmir, sida uu warbaahinta u sheegay qof goob jooge ahi.

Telefishanka laga leeyahay dalka Turkiga ee TRT ayaa baahiyay Dhisme ku yaala Magaaladda Izmir oo burburay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here