Dhirigalinta Awoodahaa Qofka {Qaybtii 13naad}

0
332

Baraarujinta Awoodu waa fahanka, bilawga hore garo cida adigu  aad tahay intaa kadibna naftaada u aqbal sidaa ay  tahay, aqalibada naftu waxaay qayb ka tahay qaadarinta nafta, sidaa awgeed waa waajib inaad naftaada aqbaashaa.

Qaadarinta naftu waxaay ka kooban tahay sadex qaybood:

Koowaad: naftaada inaad u aqbashid sida ay tahay.

Labaad:Qaadarin, inaad qadariso naftaada,  qaadariso, khibradaada, qaadariso afkaartaada, qaadariso tijaabooyinkaaga.

Sadexaad: Jacaylka nafta: mar haddii aad ilahaay jeceshahay, waxaa waajiba inaad hadiyadiisa u aqbasho sidaa ay tahay ee uu kuu siyay, oo ah inaad naftaada u jeclaato sidaa ay tahay, oo aad naftaadada,aqbasho, shakligaaga, aqbasho midabkaaga, aqbasho dhererkaaga.

Markaa aad naftaada aqbasho ee aad ogaato inaad tahay waxaa ilahay abuuray ka ugu khayr badan, waxaa lagama maarman ah inaad naftaada iyo suluugaaga kala saarto. Waxaad arki ruux abuuritaankiisu ceeb uu leeyahay laakiin leh maskax aad u fican, waxaad arki ruux curyaana laakiinse awooday inuu bada Manish dabaal kagaa gudbo sidaa Khaalid Xasan oo kale iyo Mustafe khalil, oo curyaamad ah waxaay kafaala qaadeen in ka badan1200 oo curyaamiin iyada la mida.

Aqbalida naftaadu hore ayay kuu riixaysaa,waayo waxaad noqonaysaa mid aan naftiisa cuqdad ka qabin, markaa  uu ruux kugu caayo inaad dheertahay, ama gaabantahay, buurantahay. Waxaa fiican waxaas oo dhani inaanay naftaada aad ku tidhaahdo. Wixii aan karo waan badali, wixii aan kari waayo badalidiisana waan iskaga tagi oo sidaa ayaan ku aqbali. Waxaa aad qurux badan odhaahda la yidhi: ILAAHAAYOW iigu  gargaar badalida wixii aan karo badalidiisa, wixii aan kari waayo badalidiisana ilaahayow iigu gargaar aqbaladiisa iyo garashada faraqa u dhexeyada labadooda.

Mod fara badan ka hor… ayaan nin la kulmay wuxuuna igu yidhi:wiilkaygiiyow … adigu waxaad sheegtaa arimo badan, laakiin aduunyadani waa kalmad kaliya, taas oo ah garasho. Ama fahan … anigu waxaan bilaabay markaa kadib inaan baadho kalmada fahan ama garawsasho, daraasadaas oo igu qaadatay in ka badan sadex sanadood,waxaan ogaaday runahaantii fahan la,aan inaanu isbadal dhacayn, haddii aad waydo ama garaan waydo inaad tahay mid xoog wax u cuna,

Waligaaba xoog uun baad wax u cuni, haddii aad garan waydo inaad tahay mid cadho badan dee waligaaba sidaa uun baad ahaan oo isbadali maysid, haddii aad garan waydo inaa tahay mid awoodiisa aan adeegsan maysid, haddii aad garan waydo in cabida sigaarku uukhatar ku yahay diintaada iyo caafimaadkaaga iska daynmaysid ee waad wadi uun waligaaba, garashadu waa furahaa shay walba,sidaa awgeed waxaan daahfuray shay cusub oo muhiima, kaasoo ah in fahanku ama garashaadu tahay bilawga shay walba, isbadalkuna waa bilawga koritaanka, Korintaankuna waa bilawga horumarka,

Horumar ma dhaco garaasho la’aan, haddii aad awoodahaaga garan waydo ma adeegsanaysid, waxaa lagama maarmaan ah inaad garato in ilaahay ku siiyay awoodo aan xuduud lahayn oo ay daruuri tahay inaad adeegsato, waxaanada ogaataa inay jiraan caqabado (challenges) waxaanan ka wax ka baranaa oo aan la kornaa waa caqabaadaas.

Haddii uu ruuxi si dhibyar u guulaysto isaga oo aan carqalado la kulmin inta badan waxaa ku dhacaa xanuunka werwerka { stress}. Taasi waxaa sugay culumadad jaamacada Harford…. Waxaay sugeen in ruuxu haddii si isdaba joog ah u noqdo mid barwaaqo ku jira uu ku dhaco xanuunka afka qalaad loo yaqaan stress oo ah werwer iyo walbahaar.

Haddii aad daliil uga baahantahay arintaana waxaad eegtaa dadka qaniga ah ee ah kugu xeeran kuwaasoo aan u dhididin abuurida hantidooda, waxaaad arki doonta in 92% oo ka mid ah la dhib qabaan xanuunka, maxaa yeelayaiyagu may kasban wax khibrada, waxna may baran, mana daalin si ay u helaan xoolahan sidaa uu yidhii gabayaaga Almutabani.

Kolba inta uu dadaalkaagu yahay uun bay sarayntaadu noqotaa,

ninka sarayn doonaa habeenuu soo  jeedaa.

ninka sarayn doona isagaa oo aan dadaalina:,wakhtiga wuxuu ku lumiyay waxaan suuragaal ahayn. Anigu waxaaan ka hadlayaa dadka xoolahaa ay haystaan dhaxalka ku helay ama Aabo haka dhaxlaan ama hooyo, oo aan u daalin helida xoolahooga, oo aan wax turaanturo ah la kulmin mar kaliyaana ha noqotee, sidaa awgeed kuwaasi maaha qaar naftoodu wax xaqiijisay,natiijada kama danbaynta ahina waa inuu xanuunka war warku {stress} ku dhaco, haddii aad tahay mid wakhtigiisa lumiya oo suga inta nasiibku ugu imanayo gurigiisa waligaa kuu iman mayo,sidaasna waan kuugu balan qaadayaa, adigu waxaad leedahay , maxaay dadkaasi u yihiin qaar nasiib badan maxaa yeelay  waa qaar markaa ay turaanturoodaan awoodaya inay mar labada dibu kacaan, ilaahayna wuxuu leeyahay{ ma lumino ajirka dadkaa camalka wanaagsan sameeyaa}arinkaana si

Qora: Mubaarik Abdi Siyad        la soco qaybta dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here