Dhiirigalin Awoohaa qof iyo ka midho dhalintooda {Qaybtii14naad}

0
369

wakhtiga wuxuu ku lumiyay waxaan suuragaal ahayn. Anigu waxaaan ka hadlayaa dadka xoolahaa ay haystaan dhaxalka ku helay ama Aabo haka dhaxlaan ama hooyo, oo aan u daalin helida xoolahooga, oo aan wax turaanturo ah la kulmin mar kaliyaana ha noqotee, sidaa awgeed kuwaasi maaha qaar naftoodu wax xaqiijisay,natiijada kama danbaynta ahina waa inuu xanuunka war warku {stress} ku dhaco, haddii aad tahay mid wakhtigiisa lumiya oo suga inta nasiibku ugu imanayo gurigiisa waligaa kuu iman mayo,sidaasna waan kuugu balan qaadayaa, adigu waxaad leedahay , maxaay dadkaasi u yihiin qaar nasiib badan maxaa yeelay  waa qaar markaa ay turaanturoodaan awoodaya inay mar labada dibu kacaan, ilaahayna wuxuu leeyahay{ ma lumino ajirka dadkaa camalka wanaagsan sameeyaa}arinkaana si ficaan bay u garanayaan,sidaa awgeed ayay u noqdeen qaar nasiib badan, waana qaar leh filasho wacaan, madaama ay saadaalintoodu toosan tahayna, nasiibka ayay soo jiidanayaan, nasiibkuna wuu soo jiidanayaa.Rabigayoow naftaydu sidaa ay tahay ayaan u aqbalay. Markaan eegno sadexda walaalahaa markaay yidhaahdeen: anagu maalin maalmahaa ka mid ah waxaan awoodi doonaa inaan diyaaraad soo maarnoo…………………. Wakhtigaana wax diyaaradaaha may jirin, midkood ayaa wuxuu xidhan jiray baal shimbireed oo buurtaa dusheeda fuuli jiray, wuxuunaa u malaynayay markaa uu baalal badan oo kuwaa shimbirahaa xidho inuu sidaa shimbirahaa u duuli doono, markii uu buurta dusheeda ka soo booda wuu ka soo dhacay, maxaa yeelaya wuxuu iloobay inuu jiro qaanuunka cuf is jiidadka, sidaana dhakhtar ayuu ku galay,hadana mid kale ayaa buurti fuulay baalal badan xidhay oo hadaana soo booday wuu dhacay oo uu jabay, dhakhtarkana la dhigay, dadkuna waxaay ku odhana jireen: walaalihii dib u dhaca ahaa ee waalwaalaa.

Waxaay isku dayeen inay badalaan baalasha, marka waxaay isticmaalaayaan baalala waaweyn, marna qaar yaryar, marna kuwa cufan oo hadana mar walba way dhacayeen. Ugu dambayntii waxaaay  si lama filaana  u ogaadeen qaanuunka uu ku shaqeeyo duulista diyaaraduhuu eeloo yaqaano{qaanuunka dafwiga} markii ay qaanuunkan daahfureen waxaay yidhaahdeen, qaanuunka dhulka ee cuf jiidadku wuxuu,: shay kasta oo hawadaa ka culus ma duulo, laakiin haddii la adeegsado qaanuunka dafwiga waa la duuli karaa xadiidba ah ahaadee.

Intaa ka diba, dadkii ku dheel dheeli jiray sadexda walaalahaa maanta safaf dhaadheer ayaa uguu jiran sidii ay diyaaradda u fuuli lahaayeen. Ma isleedahay waxaa dhawaaday adiguna wakhtigii aad awoodaada baraarujin lahayd, ee aad hadafkaaga awooda saari lahayd ee aad ilaahay talada saran lahayd, Sidii aan hore usoo sheegnay shayga ugu horeeya ee isbadalka keeana waa garaasho aad garato awoodahaaga aan xuduuda lahayn, naftaada aqbal marka hore, inkastaa oo dadku kaa ruwaayadaystaan oo ay kugu dheeldheelaan waxaad xasuustaa oo aad naftaada u sheegtaa inaad tahay makhluuqa ugu khayrka badan leh.

Dhib kastaa oo kusoo gaadhaana yayna ku niyaad jabin, xasuusnow halhayska ingiriska ee yidhaahda: darbada ku dhufashada aan ku duulini awood bay kuu yeeshaa. Mana jiro shaqsi dunida jira oo ku raadayn karaa adiga oo aan u ogolaan, mana jiro ruux kaa dhigaya inaad dareento dareen adigaa oo aan u ogolaan, wax kastaa oo adigaa raad kuguu yeeshaa waa ogolaanshahaaga, waa adiga cida ka fikirtaa oo ka dhigaa inuu ku raadeeyo, adigaa ayaa dareenkaaga dhiga, oo raadi ficil ku sameeya, oo naftaada ka gooya calaamka dibada, oo dibada u soo baxaa, adigaa oo wanaag buuxa leh oo ogow kii shalay kugu dheeldheelayay wuu kuu iman doonaa oo uu ku daba istaagi doona oo xaajadiisa ayaad u gudi doontaa, kaasina waa qaanuunka aduunka yaala ruux kasta oo leh iyo ahdaaf wuu xaqiijiyaa. Waxaa jiray arday dhigtaa jaamacadad Bin oo magaciisa la yidhaahdo Roja Banistar wuxuuna ahaa ciyaartow orodka 100mitir, 200mitir, 300mitir, markii uu ardayga ahaa ayaa wuxuu yidhii: ma ogtihiin in ruuxu halkii mayl uu ku ordi karo afar daqiiqo?

Hadalka wuxuu uga tagay kuwa aan dhaqaaqin, fashalkana wuxuu uga tagay kuwa faashilinta ah, wuuna dhaqaaqay………. Wuuna ka dhabeeyay inuu hal mayl  ku ordoafar daqiiqo oo kaliya, waxaay ku yidhaahdeen: ku celceli………wuu ku celiceliyay, waxaay ku yidhaahdeen:mar kale kuceli, wuu ku celceliyay14 jeer, ictiqaadkii hore ee ahaa inaan hal mayl afar daqiiqo lagu ordo karina halkaa ayuu ku baabiyay sanad gudihiina waxaaa sidaa sameyay 16 qof oo kale, imikana in ka badan 32 kun oo arday ayaa mudadaas ku orday, sababtuna waxaay tahay qof kaliya ayaa arintaa go’aansaday oo tusaale intii kale u noqday naftiisa aqbalay, isticmaalay awoodiisa aan xuduuda lahayn, haddii wiilkaa yari uu dadka hadalkooda maqli lahaa ee ahaa inaanu samayn karayn oo ay mustaaxiil tahay iyo inaanu awoodaas lahayn ma awoodi kareen inuu hal mayl afar daqiiqo gudahoodku ordo.

Qoraa Mubaarik Abdi Siyad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here