DHAQAN DADKA MACNAHA LIHI AY KA XISHOODAAN, INNAGASE XAGEENA FAAN KA AH!

0
Dhaqan wanaagsan ee Islaamka, masuuliyada damiiriga ah ee bani’aadamka iyo caqliga fayowi waxa qabaan in ilaalin balanta iyo wakhtigu uu yahay isir ku weyn habsami-socodka nolosha guud iyo gudashada waajibaadka ummadnimo. Dadka maanta dawladnimadooda la majiirto waxa inta badan dhaqan ah in wakhtiga loo ilaaliyo loona beekhaamiyo sida ugu saraysa. Waxa ceeb weyn ah in qof uu shan minute ka habsaamo meel uu balan ku leeyahay. Ma aha kaliya dadka kale e, qofka habsaamaya laftiisa ayaa dareemaya inay ceeboobay. Waxa tusaale ah dhacdadii uu Micheal Bates isku casilay ka dib markii uu kulankii ka soo habsaamay daqiiqado kooban. Innaga miyaa? Waaba faan iyo istusnimo! Hadda u fiirso; qof masuul ah baa lagu soo casuumaya xaflad. Hotelka qaybihiisa kale ayuu iska fadhiisanaya. Waxa uu sugayaa ilaa uu noqonayo qofka u dambeeya ee xaflada soo galaya. Miyaad garanaysa sababta intooda badani ay sidaa u yeelaan? Waa ha lagu arko, hana laguu sacabiyo! Yakhyakhsi! Kuwa sacabka u tumayaa isma weydiinayaan sababta sacab loogu tumi karo qof wakhtigii loogu talogalay xaflada aan meeshiisii fadhiyin, se habsan ah. Ma dareensana in habsankiisu uu dullaysi iyo bahdilaad ku yahay iyaga! Waa dhaqan ay tahay innaynu wax ka badalo si nolosheenu ay u toosto.
Waxa Qoray Abdifatah A. Ileeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here