Dhalinyaro Wax Soo Saar Cusub La Yimid Oo La Kulmay Madaxweyne Muuse

0
254

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  14 (Afar iyo toban) dhalinyaro reer Somaliland ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, kuwaas oo maskaxdooda ka curiyey hal-abuurro kala duwan oo dhinaca ganacsiga  iyo wax soo saarka ah.

Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay dhalinyarada hindistay hal-abuurrada kala duwan ee dhinacyada ganacsiga iyo nolosha isugu jira oo ka qabsoomay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Maalgashiga iyo Dhallinyarada & ciyaaraha,  Md. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) iyo Yuusuf Mire Maxamed, Maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud  Caydiid (Soltelco) iyo la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca arrimaha bulshada, mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, waxaana uu madaxweynuhu dhammaanba dhalinyaradaas kaga dhegaystay xogo dheeraad ah oo ay ka bixiyeen hal-abuurkooda, caqabadaha ka hor yimi iyo guulaha ay ku tallaabsadeen.

Da’yarta hal-abuurka curiyey, ayaa isugu jirey qaar hal-abuuray waxyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin, samaynta kabo iyo dhar  casri ah, kiriimmo cusub iyo saliido jidhka iyo timaha ah, saabuuno jidhka ah, farshaxanno, beeridda calafka xoolaha oo hab casri ah, agab cusub ee maayadda dabka ku shaqeeya, cuntooyin nafaqaysan iyo waxyaabo kale, iyadoo uu madaxweynuhu ku bogaadiyey dedaalka dheeraadka ah ee ay sameeyeen, samirka iyo sida ay maskaxdooda u  tuujiyeen, waxaanu hoosta ka xarriiqay inuu madaxweyne ahaan si dhaw ula shaqayn doono, isla markaana la garab taagan yahay wax kasta oo meesha lagaga saari karo caqabadaha haysta arrimaha ganacsi ee ay curiyeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dhalinyarada hal-abuurka cusub soo kordhiyay hadal mahadnaq iyo bogaadin ah u jeediyey, ayaa da’yarta ka codsaday inay samaystaan dallad isku xidhan oo dhinaca hal-abuurka ah, si ay isugu xidhnaadaan, isla markaana maskaxaha afkaarta cusub soo kordhiyey la mideeyo.

Image may contain: 1 person, sitting, eating and indoor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhalinyarada hortooda ka shaaciyey inay qarankooda xaq ugu leeyihiin inuu taageero ka geysto sidii fikirkaas looga midho dhalin lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“ Idinka oo da’yar inaad fikir cusub oo hal abuur ah keenteen waan idiinka mahadnaqayaa, waan idiin ducaynayaa, waanan idinla shaqaynayaa, in la gacan-qabto qofka dhalinyarada ahi kaligii waxa uu qabtaa dawlad ahaan ma aha baryo iyo duco’e qaranka xaq baad ku leedihiin waana waajib aad leehihiin in mar haddii uu qofku hal-abuur keenay inuu hal-abuurkaas la taageero, wax caam ah oo la idiin qaban karo iyo wax gaar ahba.”

Madaxweynuhu isaga oo niyadda u dhisaya dhalinyada hal-abuurka samaysay, isla markaana dhiirrigelinaya waxa uu ka codsaday in aanay niyad-jabin oo ay dedaalkooda libin-laabaan, si gaar ahna ugu tashadaan taageeradiisa, “Mar alla iyo markii aad ii baahataan waad I heli karaysaan, fikir ahaan iyo talo ahaanba, tixgelin gaar ahna waan siinayaa qofka fikirka wada, waayo qofka kale ee la da’da ah qiime ayuu dheer yahay, waana inaydaan niyad-jabin oo aydan daalin oo aad halkaas kasii waddaan waad gaadhaysaane, annagana waad nagu tashanaysaan wax ay taagi reebto mooyaane, albaabkayguna mar walba wuu idiin furan yahay.” Ayuu yidhi madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi.Image may contain: 2 people, people sitting and phoneImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 people, indoorImage may contain: 3 people, people standing and indoorImage may contain: 2 people, closeupImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 2 peopleImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and tableImage may contain: one or more people, people sitting and indoorNo automatic alt text available.Image may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorNo automatic alt text available.Image may contain: shoesImage may contain: 14 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here