“Dhakhtarka Gaboose Tigidhkiisu Waa Qaali” Xisbiga Kulmiye

0

Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa dhankiisa ku eedeeyay Dr.Gaboose inuu dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo jabhada Caare  “Maxamed Cabdi Gaboose arintaas uu ka hadlay wax alle iyo wax ka jira ama jiraan, Gaboose waxa uu ku jiraa raga ugu ladan dalka ee dhakhaatiirta ugu waaweyn  magaalada ku yaalana waa uu leeyahay  maalintii waxa laga yaabaa inuu 300 qof oo min kontan doolar ah helo, maalintii raga ugu dakhliga badan inuu ku jiro ayaa laga yaabaa taasiba waxay kuu cadayn kartaa inay tahay nabada  uu wadanka ku joogo, Gaboose nabada uu dhakhtarkaas weyn ku maamulayo ragbaa keenay waligiina maan arkin isagoo meel nabad ah ka shaqaynaaya  oo nabad dhex taagan  inuu dhaliilo waa ay jirtaa, waxa uu ka mid yahay Gaboose ragii gacan libaax abaabulayay ee go’aamada’aadka u qaldan ka soo saaray, waligay maan arkin shir beel Somaliland ay ku shirto oo aanay Somaliland ku taageerin  waa shirkii ugu horeeyay, Somaliland dhexdeeda waxba kuma kala qarsoomaan waa la og yahay Gaboose inuu raga qaadhaanka ugu badan ku bixiya Caare, isaga oo umadda ku dhiig miiranaaya in xagana uu rasaasta  u soo dhiibo oo ninka Caare la yidhaahdo uu yidhaahdo laa waa mid subaaxnale.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here