Dhakhtar U Dhashay Nigeria Oo Ku Guulaystay Boqolka Qof Ee Adduunka Ugu Saamaynta Badan

0

Dhakhtar u dhashay wadanka Nigeriya oo magaciisa la ydhaahdo Dr Funji Fusho ayaa ku guulaystay in uu ka mid noqdo liiska 100 qof ee aduunka ugu saamaynta badan sanadkan aynu ku jirno ee 2020 .

Dr Funjo wuxuu ahaa dhakhtar ku takhasusay dawaynta wadnaha , hassa yeeshee muddo ka hawl-galayay Barnaamijka la dagaalanka xanuunka dabaysha oo dhibaatooyin badan ku hayay caruurta Afrika gaar ahaan kuwa Nigeriya .
Dr Funjo wuxuu shaqadda ka hawl-gabay sanadkii 2013 , hassa yeeshee wuxuu dib ugu soo noqday markii laggu arkay wadanka Nigeriya in xanuunkii dabayshu dib ugu soo noqday , waxaanu hogaamiyey dedaal balaadhan oo ay iska kaashadeen Dawladda Nigeriya , Haayadda UNICEF iyo haayaddo kale , kaasoo lagaga talaalayay malaayin caruura xanuunka dabaysha , ugu dambayna waxaa laggu guulaystay in Nigeriya oo ah wadanka ugu dad badan qaaradda Afrika lagga cidhib tiro xanuunkii dabaysha, sidaa darteed Dr Fujo oo dadaalkaas hogaamiye u ahaa waxaa laggu sharfay in uu ka mid noqdo 100 qof ee Aduunka ugu sumcada badan sanadkan aynu jirno 2020 .

Si kastaba ha ahaatee , waxa wanaagsan ee aad qabato ayuunbaa Ilaahay hortiisana wax kuu taraya aadmiguna kugu qiimaynayaa ,hassa yeeshee wixii aad xaddo , wixii aad kharibto , wixii aad lunsato if iyo aakhiro waxaan dhibaato ahayn kuu kordhin maayaan.

Waxa Diyaariyay Garyaqaan Axmed Nuur Guruuje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here