Degmada Axmed Dhagax:”Xildhibaanadii Aanu Dooranay Dhinacooda Nalooga Soo Dhacay”

0
83

Somaliland waxa dabayaaqadii sanadkii 2012-kii ka qabsoomay Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka, kuwaas oo ay dadku si dimuqraadi iyo deegaamaysan u doorteen Xubnihii ku meteli lahaa Magaalooyinka.Hargeysa oo ah Caasimadda Somaliland ayaa degmooyinkeedu ay soo doorteen xubnihii ku meteli lahaa Horumarka iyo baahinta codadkooda qarsoon.Intii uu ololaha Doorashadu socday waxa uu murashax waliba ku dedaalayay kasbashada codadka Taageereyaashooda, iyaga oo markalaga yimaado reernimo wax ugu sheegayay dadka in ay wax kala qaban doonaan, baahiyaadkooda.In kasta oo ay tiro yari celisay abaalkii lagu lahaa, hadana waxa ku jira kuwo dadkii soo doortay ay ugu danbaysay markii ay codkoodasiiyeen, haddii ayu baahdaan iminka oo ay ku dhawaad todoba sano xilka hayeena aanay u suurto gelayn dhagaysi haba joogee in ay indhaha saaraan.Marka la isku wada darro degmooyinka Hargeysa oo ka kooban shan degmo iyo dhawryaryar oo waa danbe la sameeyay, laba ka mid ah waxa ka socda horumar balaadhan, waxaana dadka u dhuun daloolaa ay dusha u saareen in duqa Caasimaddu uu ka soo jeedo, hasayeeshee saddexda kale ayaa xaalkoodu uu yahay alaw sahal, waxaana habeen walba warbaahinta ka soo yeedhaysa Oday cabanaya, hooyo la dhiban darriiq xumo iyo dhalinyaro afka ka xunbaynaysa oo ku dhaadanaya in ay Hargeysa ay ubaahan tahay Mayoro Badan.Xaalku laakiin sidaas maaha ee waxa gabay kuwii ay codkooda siiyeen, kuwaas oo miiska wax lagu qaybsanayo malahayga kaga dul dagaalama wax aan iyaga dhinacnaba u dhaafsanayn.“Hooyo, ma I aragtaa in aan geedkaas ku nasanayo?Sidaas waxa igu tidhi hooyo da’ ah oo wakhti cadceedu ay korkeeda taagan tahay ka soo degtay bas ay ka soo raacday suuqa, hasayeeshee geed hadh Dacaar ah kaga gabanaysa falaadhaha cadceeda oo tahli kariwayday in ay fananto buur yar oo gurigeedu dhinaca danbe ka xigo.Way sii wadatay hooyadani hadalkeeda, waxaanay tidhi “Anagu haddii aanu nahay dadka degan Degmadda Axmed Dhagax waxa aanu nahay malahayga kuwa ugu nasiibka darran, alle kama dhigee, waxaanan sidaas u leeyahay waxa aanu dooranay afar xildhibaan, waxaana noogu dambaysay maalintii aanu codka siinay ee ay isku hubsadeen kuraasta.Maantana una ducayn maayo, habaarina maayee waxa aan odhan lahaa sida dadka alleidinka dhig” ayay tidhi.Mar kale oo ay ku soo rogaal celisayna waxa ay canaan kale u kiishtay xildhibaanada ugu jira Golaha Deegaanka “Waajiba naguma ahain aanu bixino cashuur, sababta oo ah codkii aanu bixinay iyo kharashka nalaga qaaday labadaba waanu ku waynay wax qabad, kuwa nooga jirana waxa aad moodaa hooyo in dhiiga tuunbe lagaga nuugay oo iyaga ayuun baa shaqo tagay, maxaan u canaanan duqa Hargeysa oo isagu markii la odhan waayay xaafadayana wax u qabo kolba u kiisha tii uu ka dhashay” ayay tidhiWaxa badan inta hooyadan la fekerka ah, kuwaas oo isku ciil kaambiyay codadkii ay siiyeen golaha deegaanka ee Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here