DAYOWGA KA HAYSTA SOMALIDA DHAQANKA,SIYAASADDA IYO JUQURAFIGA

0

Somalidu gaar ahaan in badan oo reer Somaliland ahi,waxay isku khaldaan
Siyaasadda iyo dhaqanka,waxa kaloo ay isku khaldaan dhulka iyo
Diplomasiyadda,waa sababta ay warbaahinta iyo dadka baraha bulshada ku fir
fircoon(Activist) ay u buun buuniyaan,haddii ay arkaan qof siyaasi reer Somaliland
ah iyo mid Somalia ah oo Diyaarad guudkeed ku kulmay,ama isku salaamay meel
ka durugsan dhulka Somalidu degto,sababta waa Siyaasadda iyo dhaqanka oo
iskaga qasmay,Haddii ay Somalia iyo Somaliland Siyaasadda ku kala tageen
dhaqankii iyo diintii kumay kala tagin,waa la kala Guursan karaa,waa la isa
salamayaa,waxbaa la wada cunayaa,waa la saaxiibayaa,iyadoo aan laga tanaasulin
oo la kala yahay laba dal,
Xagga diplomasi,markay noqoto wada hadal Somalia iyo Somaliland,maaha
dhuumasho,ee waa goob caddaan ah oo la wada arkayo,caalamkuna markhaati ka
yahay waxa Mandate u leh hadba xukuumadda talada haysa iyo golayaasha
Qaranka,hab iyo saystem loo maro ayu leeyahay, ma hayno wax wada hadal ah oo
qarsoon,mana odhan karno laba ama dad masajid isku shex salaamay ayaa
qaranimo u bur-buraysaa,masiirka umadduna intaas wuu ka culusyahay,meel ay
dastuurka kaga qorantahay maan arag qofka Somaliga ah yaan la salaamin,sidaas
darteed ha la kala saaro Siyaasadda iyo dhaqanka,ayaan fikir ahaan odhan lahaa.

Dhowaan ayuu C/raxman faroole Hargeisa Yimid,wuxu ahaa madaxweynihii
punland,intii u xilka puntland hayay Somaliland iyo Puntland waxa dhex maray
dagaallo qadhaadh,sidaas oo ay tahay ayuu haddana Hargeisa Yimid Isagoo
ogolaandho ka haysta Xukuumadda,umuu socon arrin siyaasaded ee waxa uu u
socday arrin dhaqan iyo dad ay ehel yihiin oo Reer Somaliland ah.
Haddii qof ama dad Somali ahi ay kuugu yimaaddaan halka aad joogto,ama marti
kuugu yimaaddaan waa khasab inaad marti geliso,haddii ay salaam kuula
yimaaddan ama booqasho,waad ka qaadaysaa salaanta waanad soo
dhoweynaysaa,ma fasaxayo dhaqankeenna iyo diinteenu inaad dhabarka u
jeediso,xagga danaha iyo siyaasadda waa waddo kale oo goorteeda iyo howsheeda
leh,wanaagga iyo wajiga furan ayaaba ah diplomasiyadda ugu qaalisan oo waxay
goyn kartaa wax aan colaadi goyseen waxanay noqottaa (Cultral Diplomacy) ama
Soft power.
Qolada Somalia inta badan waxa iskaga khaldan dhulka iyo diplomasiyadda,waxa
kala jira (Geographic Name and Diplomatic name) tusaale dhow dhulka
Somalida Kenya,Somali state of Ethiopia,Djibouti,Somaliland iyo Somalia
magacyadaas waa diplomatic name,oo wuxu caddaynayaa Somali ha la ahaado lkn
magaca ayuu ka dhex muuqadaa Somali cidda ay ka sii yihiin,haddiise aan
idhaahdo dhulalka Somalidu degto waa Geographic name oo waxan u jeedaa
dhamaan dhulalka Somalidu degto oo dhan,siyaasad kamaan hadal ee waxan dusha
ka sheegay uun dhulka dadka Magaca Somalida sheegtaa Degaan,haddaba dadka
Reer Somalia haddii magaca Somali la soo qaado waxa u sawiranta
Mogadisho,waxayna moodaan in qofka magaca Somali sheegtaa in mudisho laga
xukumi doono,waase magac la khalad fahmay,waana khalad waayo Somali waa
identity waa dad ka mida umadaha Adduunka ku nool,sida
Sawaxili,Sulu,Yuruba,Viking,Hispanic iwm dhaman dadkaas iyagoo magac
wadaaga ayay haddana dalal kala duwan ku noolyihiin.

Haddii aan Tusaale u soo qaadanno dhulal badan iyo Gasiirado badan ayaa la isku
yidhaa British Isles, hase ahaatee waxa jira dad magacan British wadaaga sida UK
iyo Ireland oo haddana laba waddan kala ah,waxa kaloo jira meelo ka fog
Boqortooyada Ingriiska oo xukunka Ibgriisku gaadho oo la odhan jiray “British

Overseas Territory” ama Commonwealth sida Canada Australia iyo New
zealand markaas gasiiradaha Ingriiska laba haddii look ala qaado waxay
noqonayaan “British Isles” waa magac dhuleed,haddise loo sii kala
qaado(England,Great Britain,UK iyo Repuplic of Ireland) waxa loo yaqaan
magacyo Diplomasi ah waxana magac waliba ka tarjumayaa,waxa ay dadka
meeshaas ku nooli goosteen,haba la ahaado dad isku ah British.
Waxa la ogyahay ama jirtaba waddan ku dhex yaalla waddan kale sida Swaziland
oo ku dhexyaalla waddanka South Africa,halkaas waxaynu ka garan karnaa in dad
isku meel wada jooga oo isku jinsi ahi inay kala siyaasad noqon karaan,qaar kala
fogna waxa isu keeni karta Siyaasad iyo dano ka dhexeeya.
Haddad u soo noqotto carabta,waa Dowlado badan,oo Matalan Gacanka
Carbeed,waa Dowlado badan oo la isku yidhaa Khaliijka Carabta oo qaarkood isu
cadowba yihiin,markaas Magaca dhulku waa Kahliijka Carabta waa magac
dhuleed(Geographic Name) laakiin Qadar,baxrayn,Kuwait,UAE,waa magacyo
Diplomasi sidaas si la mid ah waddamada isku dadka ah ee haddana kala dalalka
ah aad iyo aad ayay Adduunka ugu badanyihiin,lkn dadka Somalida uma kala
soocna inta badan,waana arrimaha jahawareerka ugu wacan ayaan is leeyahay.
Somaliyey caqligu iyo aqoontu ha shaqayso
Allaa mahad leh
Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here