Dawladda Canada Oo Magan Galyo Siisay Haweenay Ridawday Oo Ka Qaxday Saudi Arabia

0

Haweeney Sucuudiga u dhalatay oo qoyskeeda isaga soo carartay kuna xayirantay gagida diyaaradaha ee Bangkok ayaa haatan waxa ay u duulaysaa dalka Canada si ay magangalyo halkaas u waydiisato, waxaa sidaasi sheegay saraakiisha Thailand.

Raxaf Maxamed al-Qunun, oo ah 18-jir ayaa Isniintii diidday inay raacdo diyaarad ka kicitimi laheyd Bangkok oo tegi laheyd Kuwayt, waxa ayna isku soo xirtay qol ay ka deganayd hoteel ku yaal garoonka diyaaradaha oo u kiraysnaa.

Waxa ay sheegtay inay isaga baxday diinta Islaamka, taas oo ciqaabteeda gudaha Sucuudi Carabiya ay tahay dil.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa waxa ay sheegtay in gabadhiisa ay tahay qaxooti dhab ah.

Saraakiisha socdaalka ee Thailand ayaa bilowgii hore sheegay in gabadhaasi ay tahay inay dib ugu laabato Kuwayt, halkaas oo ay qoyskeeda ku sugayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here