Dawlada Soomaaliya Oo Amaro Dul Dhigtay Shirkadaha Diyaaradaha

0
203

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha aan Buuxinin shuruudo cusub oo ay u dejiyeen aanay ka hawl gali Karin soomaaliya isla markaana aanay ka soo degi doonin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka  Duuliye  Ceydaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha dalka.

’’Maalintii diyaarahada kasoo dego karoonka waxaa ay  gaareen in kabadan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay Sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo farabadan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’’ ayuu yiri Duuliye Ceydaruus Axmed Kaahiye.

 

Wasiirka ayaa faray Shirkadaha diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay  heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonka.

 

’’Laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgalo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan badqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn Karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ’’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here