Dawlada Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay In Ay U Safraan Somaliland Iyo Soomaaliya

0
242

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa uga digtay muwaadiniinta u dhashay Britain in ay u safraan Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo wasaaraddu ay sheegtay in iyaguna muwaadiniintu ka baaqsadaan ilaa safarro muhiim ah mooyee.

Bayaan kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Britain, ayaa sidoo kale loogu baaqay dhammaan muwaadiniinta u dhashay Britain ee jooga Soomaaliya in ay ka baxaan. Sidoo kale kuwa Hargeysa iyo Berbera u jooga socdaallada aanan muhiimka ahayn, ayaa iyaguna loogu baaqay in ay ka baxaan.

Dhamaan dadka British-ka ah ee booqanaya Hargeysa ama Berbera ayay Dowladda Britain kula talisay in ay ka fogaadaan goobaha dadweynaha iyo meelaha la isugu yimaado isla markaana ay si hoose ula socdaan wararka warbaahinta gudaha iyo dibadda.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in kooxaha argagixisada ay doonayaan in ay isku dayaan in ay Soomaaliya ka geystaan weerarro. Waxaa kale oo ay dowladda Britain sheegtay in ay Soomaaliya ka jirto khatar heerkeedu sarreeyo oo la xidhiidha danbiyo dhinaca afduubka ah.

Weerarki ugu weynaa ee ay kooxaha argagixisada ka geysteen Soomaaliya ayaa ahaa kii 14-ki October ee sannadki hore ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dileen in ka badan 300 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here