Dawlada Ethiopia Oo Bangigii Ugu Horeeyay Ee Islaami Ah Siisay Ruqsad

0

Dawladda Itoobiya ayaa rukhsad siisay bangigii dalkaas ugu horreeyey ee ku shaqeeya nidaamka Islaamiga ah ee aan dheefkorka lahayn.
Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Itoobiya ayaa Salaasadii 13 Oktoobar 2020 ka rukhsadda shaqada guddoonsiiyey Dr. Naasir Dino guddoomiyaha bangiga gaarka loo leeyahay ee ZAMZAM iyo agaasimaha bangiga marwo Maliika Bedri.

Bangigani waxa uu shaqadan bilowgeeda hindisay sannadkii 2007 laakiin siyaasadihii dawladda ee dhinaca maaliyadda oo midaynaysay bangiyada aan dheefkorka ku shaqayn iyo kuwa ku shaqeeya ayaa qasab kaga dhigay in uu saqiiro.
Mar kale ayaa uu bangiga Zamzam dib u soo noqday sannadkii 2019 kii oo dhaqaalaha dalka Itoobiya uu furfuray raysalwasaare Abiy Axmed, imika oo uu shuruudihii dhinaca raasamaalka iyo deebaajiga dhammaystirayna waxaa la guddoonsiiyey rukhsadda.

Source Kamaal Marjaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here