Dawlad-Deegaanka Soomaalidu Ma noqon doonaa Xuddunta Soomaalida Geeska?

0

Ummadda Soomaalidu xaggee ayay ka soo jeedaan asal ahaan? Ma Carab ayay ka soo jeedaan? Ma qoomiyadda Oromada ayay ka soo jeedaan? Mise Afrikaan ayay ka soo jeedaan? Jawaabta weyddiimahan, ilaa hadda si rasmi ah looma garan karo, mana jirto jawaab qudh ah oo ay ku midaysan aqoonyahannada iyo xeeldheerayaasha ku talaxtagay aqoonta taariikhdu.

Ummadda Soomaalidu waxa ay ka mid tahay qoomiyadaha deggan waddamada bariga Afrika. Shantii Soomaaliyeed, waxa ka suurtagalay in la helo saddex dawladood oo madaxbannaan, aakhirkiina laba dawladood oo saddexdii ka mid ahi markii ay isku darsadeen (British Protectrate Somaliland iyo Somali Italian) waxa soo hadhay laba dawladood oo madaxbannaan. Intii ka dambaysay burburkii dawladdii kelitaliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre 1991kii, goballadii Waqooyi ee Soomaaliya waxa ay dib ula soo noqdeen xornimadoodii. Laakiin ilaa hadda ma aanay helin wax aqoonsi ah, mana jirto dawlad qudha oo ilaa hadda dal madaxbannaan u ictiraaftay. Wixii burburka ka danbeeyay, Koonfurta Soomaaliya iyaduna waxa ay ku jirtay dagaallo sokeeye ama xaalado amnidarro ah. Intaa wixii ka danbeeyay, waxa lumay in aan si cad loo oddorosi karin meel ay saldhigan doonto iyo mustaqbalka halka uu ku dambayn doono aayaha ummadda Soomaalida ee Geeska Afrika. Marka la soo ururiyo, dhulweynaha Soomaalidu deggan tahay, maanta Jabbuuti oo qudha ayaa ka ah dal si buuxda u madaxbannaan; DDS iyo NFD waxa ay weli ka mid yihiin labada dal ee Itoobiya iyo Kiiniya. Soomaalilaand weli ma ay helin aqoonsi caalami ah, halka ay Koonfurtana weli tahay dal u baahan cid la dhista amnigii gudaha iyo nidaamkii dawladnimo ee soddonka sannadood soo burburayay.

Marka uu xaal sidaas yahay, su’aalo badan ayaa dadka dooda dhexmara oo ah mustaqabalka dadka ama ummadaha Soomaaliyeed ee deggan Geeska Afrika sida u noqon doono xaalkooda mustaqbal; haddii xaaladuhu sidan ku sii jiraan? Halka dhanka kale dooddu odhanayso, werwer ma laha oo ma noqon doonaan ummad dabargo’da ama ay lunto awooddooda ummadnimo ee ay ku leeyihiin mandaqadda geesku.

Gobalka Soomaaliyeed ee ka tirsan dalka Itoobiya, waxa uu ka mid yahay gobollada mahadiyay isbeddalkii siyaasadeed ee ka dhacay dalkan, 2018. Soomaalida deegaan ahaan deggan gobalku ma ay noqon kuwa qudha ee ka faa’iiday isbeddalkaas, bal se waxa arrintaas sida oo kale ku reeyay dhammaan cid kasta oo ka soo jeedda ama ku abtirsata sinjiga Soomaalida. Sababta oo ah, wixii ka dambeeyay isbeddalka siyaasadeed Jigjiga oo ah magaalamadaxda DDS, Jigjiga waxa ku soo qulqulayay tiro aad u badan oo ka mid ah ummadda Soomaaliyeed ee ka soo kala jeedda shanta gees ee Soomaalida. Sidaas darteed, waxa la odhan karaa, maanta waxa DDS iskugu yimid aragtidii siyaasadeed ee hore u fashilintay ee ahayd shanta Soomaaliyeed.

Marka aad dhex marto suuqyada kala duwan ee magaalda Jigjiga, waxa aad ku arkaysaa shantii Soomaaliyeed oo si bilaa dhibaato, bilaa xasarad, bilaa xanaf iyo bilaa cunfi ah ku wada nool ama ku wada shaahaynaya. Waxa xusid mudan in xukuumadda hadda taladda haysa ee gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Mustafe Cagjar ay si aan gabbasho lahayn oo sharaf iyo maamuus leh ugaga nuuxnuuxsatay fagaarayasha la iskugu yimaaddo in halkan xarunta Jigjiga ay tahay, noqon doontana, meel u siman oo kulmisa dhammaan dadka u dhashay qooyimadda Soomaalida, ama ujeeddo ahaan meel hoy u wada ah Soomaali oo idil. Siyaasadda caynkan ah ama khudbadaha madaxweynaha ee farriimaha sidan ah xanbaarsani waxa ay runtii si xooggan u gilgileen quluubta iyo laabaha qof kasta oo ka isiran ummadda Soomaalida ee ee siyaasadda nacaybshaha iyo xumaatada siyaasigu kala qoqobtay. Taasi waxa ay dhalisay in ay dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiirradaan in ay yimaaddaan Jigjiga iyo Deegaanka Soomaalida, kii iman kari waayayna uu qalbiga duco iyo farxad uga soo diro.

2. Doorka Bulshada DDS iyo Xusuusinta Gaboodfalladii Kal hore

Sid aan wada ogsoonnahay, shacabka deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay soo mareen gumaad iyo gumaysiyo kala gedgeddisan oo saameyn xooggan ku yeeshay habsamida nololeed ee aadamaha ee bulshada deegaannadaas. Waxa ay ahaayeen shacab qofqof loo gaadhsiiyay dhaawac maskaxeed iyo mid jidheed, loona gaystay xadgdubyo aadaminnimo oo aad u daran, iyada oo hadba lagu beegsanayay, astaammo iyo magacyo loola baxay sida ONLF, Itixaad, Ubbo, iwm, astaamahaas oo lagu xalaashanayay dhiigga shacabka. Innaga oo ka duulayna dulmiga, dilka iyo gaboodfalladii loo geystay shacabka Deegaanka Soomaalida, sida aan kor ku soo xusnayba, waxa looga fadhiyaa bulshawaynta Soomaaliyeed ee deegaanka in ay ilaaliyaan degganaanshaha iyo dadnimada jiritaankooda, si aanay dib ugu soo noqon fursadihii shalay lagu gumaadayay, islamarkaasna waa inay ka guuraan nidaamka reerhebelnimada oo ah ka keli ah ee maanta fursadda dib u siinaya dadkii iyo nidaammadii xalaashan jiray dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar “Cagjar” waa madaxweynihii ugu horreeyay ee sagaalkii madaxweyne ee u kala dambeeyay hoggaaminta talada dalka ee la yimaadda qorshe iyo hoggaamin ay u soo hiloobeen dadkii Soomaaliyeed ee muddada dheer dibadwareegga ka ahaa deegaanka Soomaalida. Haddaba, innaga oo taas isla wada qirsan, ma hoggaamiye taabbagalinaya qorshaha dhoollatuska ah ee uu bulshada Soomaaliyeed tusay baa? Mise wixiisu waa ha lagaa sheego beri baan iskugu keenay deegaanka dad muddooyin badan ka maqnaa?

Labo ayaan u kala qaadi doonaa weyddiinta sare ee hoggaaminta Mustafe Cagjar, haddii hoggaamintiisu tahay mid ku qotonta soocelinta sharafka iyo meqaamkii Soomaaliyeed ee berisamaadkii ee calooshooda iyo boggoodu midka ahaa, waxa hoggaamintani noqon doontaa mid saameyn weyn ku reebta qalbiyada shacabkii isku irdhoobay ee waayada kala maqnaa, waxa uuna noqon doonaa hoggaamiye ka taga dhaxal waara oo difaac u noqda awooddii luntay ee Soomaaliyeed. Haddii hoggaamintiisu noqoto ha lagaa sheego, waxa ay noqon doontaa hoggaamin reebta colaad, xiqdi iyo xumaan Soomaalida deegaanka sii kala fogaysa oo sababta in ummaddani midba maalin shillilka la dhigo oo u gacangasha siyaasado aan wax dan ahi ugu jirin aayaha danbe ee deegaanka. Waxa hubaal ah in ay mahadho reebi doonto beri baa Soomaali qoomiyad la yidhaahdo jiri jirtay. Labadan aragtiyoodba waxa ay hor yaallaan hoggaamiyaha haatan ee deegaanka Soomaalida, ka uu qaato uun bayna ku dambayn doontaa, iyada oo ta Alle na meel taallo.

3. Xaajadu ma Sahlana, haddii aan la yeelin arrimo ay ugu horrayso:

1. Gobalka Soomaalida ee dalka Itoobiya ma aha dal madaxbannaan, Soomaaliduna waa in ay ogaataa in gobalku ka mid yahay goballada dalka Itoobiya oo ay tahay in ay ixtiraamaan siyaasadda guud iyo ta gaar ahaaneed ee u dejisan dalkaas. Waa in ay sidoo kale Soomaalidu ogaataa in sida uu DDS wax ku noqon karo, meel ku gaadhi karo, horumarna ku hiigsan karaa tahay in uu noqdo mid si fiican ula jaanqaada isbeddallada aan weli saldhigan ee ka socda guud ahaan dalka Itoobiya.
2. Haddii ay dhacdo in sida u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah qaar dhexdooda isku mashquulaan oo waqtiga iyo caqligaba ku lumiyaan; ‘maxay reer hebel intaas u qaateen iyo annaga oo reer hebel ah baa qaadan’, wax badan ayaa Soomaalida ka lumaya. Ujeeddadu ma aha in la diiddan yahay in caddaalad la helo, oo sinnaantu waa wax ummadnimada muhiim u ah, waxsaan leeyahay, yaan tacabka oo dhammi innagaga lumin in aynnu isku mashquulno.
3. Itoobiya waxa ay isku haysaa qooyimado badan oo kala dudwan. Qoomiyad waliba waxa ay ku mashquulsan tahay oo ay intaas tusbaxa u rogayaan “Isbeddalka maxaa inoogu jira oo inoo dan ah? Maxay danteenu tahay?” Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxa uu kaga duwan yahay deegaannada kale ee Itoobiya arrimmo badan oo ah kuwa taban iyo togan labadaba.
a. Waxa uu yahay deegaanka kowaad dhanka baaxadda ee ugu ballaadhan Itoobiya.
b. Intaas waxa u dheer shidaalka haddeer lagu guulaystay sahamintiisii kowaad.
c. Dadka qoomiyadda Soomaalida ayaa ah dad hibo u leh dhanka halabuurka ganacsiga, bal se way adag tahay in ay sii joogteeyaan ganacsiyada iyo lacagaha ay abuuraan.
d. Waa deegaanka qudha ee dadkiisu aanay u shaaqi u noqon deegaannada kale ee Itoobiya. Deegaannada Amxaarada iyo Oromiya, waa qoomiyadaha ugu badan ee ugu badan shaqaale-hoosaadka deegaanka Soomaalida iyo ganacsiga yaryar labadaba.
e. Malaha siyaasad qoto dheer oo u dejisan ama xidhiidh ka dhexeeya aqoonyahanka, waxgaradka iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda, haba ku kala duwanaadaan aragtida dhanka gudaha ee siyaasadda hoggaamineed ee deegaanka e. Waxa meesha ka maqan in laga sinnaado oo la helo xeedho lagu wada ururiyo wixii danta guud ee deegaanku ku jirto marka ay timaaddo wax-wadalahaanshaha dalka iyo dadka ay dantu ka dhexayso ee Itoobiya.
f. Kooxaha iskugu yimaadda meelaha ay bulshadu ku kulanto waxa ugu badan ee dhex socdaa waa doodo u badan sida Soomaalida u dhaqanka ah naaqishaadda mid taban iyo togan ba, saamiqaybsiga iyo wax-kasheegidda xukuumadda talada haysa.
g. Intaas waxa dheeri waa in laga wada hadlo dhibtii hore ka jiri jirtay deegaanka iyo sida Alle faraj ugu bixiyay.
h. Meesha waxa ka maqan oo aad u yar in laga hadlo mustaqbalka dheer ee dambe iyo kan haddeer; muxu saameyn innagu yeelanayaa haddii aynnu nahay deegaanka? Maxaa se inooga meel yaaala?
i. Haddii ba ay dhacdo in dooddaas la dhexgalo, waxa markiiba la isku raacayaa oo ma cid baa ina khasbi karta iyo yeeli maynno wixii ka yimaadda Federalka ee aan aragno in aanay wax anfaca inoo lahayn. Ma ba xuma, laakiin horta yaa ku diiday in aad deraasad ku samayso oo aad u kuurgasho, kolba aragtida cusub ama sharciyadaha ama xeerarka la hindisayo ee daawaha saaran?

Dhaqanku waa shay adag oo dabar u ah qofka, laakiin waa aad ka beddali kartaa dhaqankaaga wixii aad is leedahay horumarkaaga ayuu dabar ku noqon karaa. Tusaale ahaan, Soomaalidu waxa ay ku soo dhaqantay, haddeerna ku dhaqantaa in ay yihiin ummad hadal (oral society) oo weelayn hadalladooda, hawraarahooda, taariikhahooda iyo murtidooda intaba. Waxa kale oo ay ku soo dhaqantay ama la arkay in haddiiba ay wax u qoran yihiin – xeer iyo xaagaan ba – aanay ku dhaqmin waxaas ay qoratay, oo aanay cidiba ku xisaabtamin. Bulshada DDS waxa ay la mid yihiin dadkooda kale ee Soomaalida ah oo waxa lagu nool yahay subax walba dhibtii jirta in wixii la is tuso lagu maamulo. Dabcan, xukuumaddu way leedahay qorshayaal, balse kuwaasi waa horumarka arrimaha bulshada ee haddii aan xukumaddi helin machaddo ama aqoonyahan ururusan oo tuujiya caqligooda iyo ka dadkoodaba (think-tank groups) suurtagal noqon mayso in xukuumadda laga doono in ay dalka ka dhigto mid barwaaqasooran ah oo waliba reerka u rara masno, kana badbaadiya haddii ba ay jiraan, dhibaatooyin siyaasadeed ama dhaqaale oo khatargalin karaa.

4. Soomaalida Deegaanka iyo Soomaalida kale

Sida aynnu hore u soo xusnay, deegaankan Soomaalida ee Itoobiya waxa uu hadda rejo fiican u yahay in la arkaayo in shantii Soomaliyeed ay u arkaan meel ay wada leeyihiin, waana rejo aad u soo bidhaamaysa in ay tahay xuddunta shanta Soomaaliyeed; kuwo madaxbannaan iyo kuwa aan madaxbannaanaynba. Ma aha jid dhib yar oo sidaas loo wada shaahaynayo lagu gaadhi karo. Aragti kasta oo dunida jirtaa waxa ay leedahay cid u cadow ah, waddan kasta iyo ummad kastaana waxa ay leedahay nasteex iyo cadow; tanina sidaas ayay ugu sii cadaawe badan tahay, marka laga yimaaddo dhexdooda. Aragtidayda gaaban, waxa aan is leeyahay haddii arrimahan loo dhugyeesho, waa ay badbaadi doontaa arrintan curadda ahi:

1. Soomaalida kale sida Jabbuuti, Soomaalilaand, Soomaaliya iyo NFD, haddii ay kala gartaan dabciga siyasadeed ee Itoobiya, si fudud oo sahlan baa labada dhinac isula jaanqaadi karaan. Sida dhaqankeenna ah, haddiiba ay dhacdo in la kala garan waayo dhanka siyaasadeed ee Jabbuuti, Soomaalilaand, Soomaaliya iyo Gaarisa, waxa dhici doonta in lafjab weyni soo gaadhi doono horusocodka siyaasadeed ee DDS maanta cagta saartay iyo riyada mar labaad rejadeedii soo muuqatay ee ah in la helo masale maanta Soomaalida ku kala irdhowday siyaasadda intii ka dambaysay xorriyadihii la qaatay: 26kii Juun iyo 1dii Juulaay 1960 iyo 27kii Juun 1977. Gaar ahaan, waxa la sii kala dhaqaajiyay oo jilib-jilib, jees-jees iyo wax ka hooseeya ba la gaadhay wixii ka dambeeyay 1991.

2. Qoomiyadda Soomaalidu waxa ay si farshaxannimo leh u taqaannaa ganacsiga, waxaana si gaar ah loo xusi karaa awoodda ganacsi ee muuqata ee ay ku yeesheen dalka Kiiniya.

3. Siyaasadaha ka socda Muqdisho iyo Kiiniya ee ku saabsan ka dhex muuqashada isbeddalka siyaasadeed ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, haddii uu noqdo mid aan caqli iyo xigmad lagu maamulin, oo caaddifaddu noqoto ta wax hagta, waxa ay DDS dhaxalsiin doontaa dhibaato siyaasadeed oo aanay ka soo kaban muddo dheer, isla markaana waxa ay noqon doontaa in rejadii Soomaalinnimo ee shanta ahayd meesha ka bixi doonto, sababta oo ah Dawladda dhexe ee Itoobiya kama madhna in ay fiiro gaar ah ku eegayso in aanay dhicin siyaasado kale oo jaarka ahi in ay si fudud ugu soo dhex milmaan deegaankan iyo kuwa kaleba. DDS waxa uu kaga duwan yahay deegaannada kale ee Itoobiya, in ay xuduudda ugu dheer ee Itoobiya la wadaagto Soomaaliya, Soomaalilaand iyo Jabuuti.

Itoobiya, dawladda dhexe waxa ay maanta ku mashquulsan tahay in ay dejiso qulqulatooyinka iyo kacdoonnada ka jira gudaheeda; abuurista in nidaamkan cusubi kasbado quluubta iyo kalsoonida qaar ka mid ah deegaannada dalka iyo hubinta in uu meesha ka baxay nidaamkii hore intiisa aan la rabin ee dhexda kaga maran weli deegaannada qaar kood. Indho badan sidaas looguma hayo deegaanka Soomaalida, sababta oo ah, qooyimadda hadda talada dalka haysaa waxa ay og yihiin in aanay jirin siyaasad colaadeed oo xagjir ah oo u dhexaysa Soomaalida iyo qoomiyadda Oromada. Runtii way jirtaa in dhibaatooyin dhex mareen oo haddeerna wax sii dhex yaallaan labada qoomiyadeed, hase yeeshee dhibahaasi ma aha kuwo sidaas u sii gaamuray ama ay ku jiraan gacmo kale oo aan rabin wanaagga iyo horumarka dalka Itoobiya. Soomaalida deegaankan ayay dadka qaar debcigeeda ku sifeeyaan mid muddooyinkii danbe Itoobiya la jaanqaaday oo hayin dabacsan u noqda hadba qoomiyadda talada timaadda. Nasiibdarro deegaanka Soomaalidu kama faa’iidaysan oo wax la taaban karo horumar ah kama dhaxlin hayinnimadii 27kii sanno ee EPRDF dalka maamulaysay, muddadaas oo ay labada qoomiyadood – Soomaali iyo Tikree – gacansaar dhow lahaayeen.

Su’aashu waxa ay tahay maanta Deegaanka Soomaalidu ma noqon doonaa mid wax ka bartay casharradii hore ee ahaa hayin bilaa dhaxal ah in ay noqdaan kuwa ku gorgortami kara oo garabsaarkooda loo baahan yahay. Qoomiyadda oramiya ee maanta talada haysaa, si bila shaki ah waxa ay qirsan yihiin in qoomiyadda Soomaalidu ay tahay kuwa la aamini karo, oo la isku halleyn karo, danna u ah marka ay timaaddo isgarabsashada siyaasadeed. Weyddiinta kale waxa ay tahay, ma jirtaa Deegaanka Soomaalida xukuumad iyo aqoonyahan ba, wax uga meel yaalla iyo nidaam ay la hortagi karaan marka ay timaaddo xulafaysigan. Waa middi laba af leh, waayo, in aad cid garabka saartaa waa; gari laba nin kama wada qosliso. Isku soo xoori oo, waxa la saaran yahay doonidii jacaylka ee heestii Maxamed Mooge qaadi jiray ku jirtay. Waxa intaas dheer, duufaannada iyo dabaylaha badaha siyaasadeed ee gudaha Itoobiya waxa ay marayaan xilli xagaa’ ah, gaar ahaan, waqtiyada ay dhacdo dabaysha loo yaqaanno “Shimaal”. Waxa lagu khasban yahay in doontani shiraacato iyada oo xaaladda badduna sidan tahay. Sababta oo ah, isbeddalka dhacay waa in uu u dhaqaaqaa jihadii la rabay, dabayshii shimaalkuna way dhacaysaa, xaaladda siyasadeed gudaha Itoobiyana halkaas ayay maraysaa.

W/Q. Yuusuf Garas
Addis Ababa/Jigjiga, Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here