Dalalka Ethiopia Iyo Eritrea Oo Xadka Ay Wadaagaan Dib U Furay

0
157

Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xidhay labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashameeyadii.

Arrintan ayaa waddada u xaadhaysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.

Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa dabo socota heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Dib ufuritaanka waddadan ayaa ku soo ku soo beegmaysa maalin ku haboon iyadoo labada dalba ay maanta oo salaasa ah u dabaal dagayaan sannadka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here