Dal Ku Yaala Afrika Oo Mamnuucay Mudaharaadada

0
54

Dawladda Togo ayaa mamnuucday mudaaharaadyo badan oo mucaaradku ay qorsheeyeen, waxayna sheegtay in mudaaharaadku uu halis galinayo ammaanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Is bahaysi ay samaysteen 14 xisbi ayaa ku dhawaaqay in ay qaadacayaan doorashooyinka baarlamaanka ee la qorsheeyay in ay dhacaan 20 bisha Disembar, ayna isku dayi doonaan in ay baajiyaan codaynta.

Mucaaradka ayaa doonaya in isbadal lagu sameeyo dastuurka, xilka madaxweynahana laga dhigo labo jeer.

Brigitte Adjamagbo Johnson oo ah xiriiriyaha xulafada ayaa idaacad dalkaas ka hawlgasha u sheegay in aan qiil loo haynin mamnuucitaanka mudaaharaadyada ee dawladda, ayna doonayaan in mudaaharaadkooda ay qabtaan.

Bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here