“Dagaalkii Korontada” M.C.A.Shiil

0
Lâmpadas incandescentes devem ser retiradas do mercado brasileiro até 2016 (Marcello Casal Jr/Agência Brasil)
“Kala duwanaanshuhu waa waxa keena horumarka”
Dagaalkan korantadu waxa uu dhex maray Laba nin oo cilmiga fiisigiska wax badan Ku soo kordhiyey, kuwaas oo Kala ahaa Thomas Edison oo Maraykan u dhashay iyo Nikola Tesla oo ahaa Seerbiyaan dhalasho Maraykan qaatay. Waxa aan hubaa inay wax iska bedali doonaan aragtidii aad hore uga haysatay Thomas Edison. Aan idiin Kala baxo:
Thomas Edison wuxuu ahaa—waxa loo tixgaliyaa ikhtiraacihii korontada xidhiidhiyey—mid u malaynayey inay waajib tahay in nidaamka koronto ee shaqaynayaa uu ku tiirsanaado koronto toos ah “Direct Current” (DC), laakiin nidaamka korontada tooska ah (DC) ee Edison waxa hor taagneyd caqabad ah inaan DC-ga loo rogi karin dab qulqulkiisu sarreeyo ama hooseeyo. Laakiin Tesla waxa uu rumeysnaa in xalka caqabadaas lagaga gudbi karayey uu ahaa adeegsiga nidaamka korontada talantaaliga ah ee AC-ga “Alternate Current”.
Edison wuu ogsoonaa cabqariyadda ku jirta Tesla; waxana uu heshiis kula galay in hadii uu hore u mariyo waxtarka daynabada uu siin doono abaalmarin lacageed oo dhan kontan kun oo doolar.Tesla markii uu xalkii helay, Edison wuxuu u sheegay inuu la kaftamayey; waanu kaga baxay inuu siiyo lacagtii uu u balan qaaday. Intaas kadib, Tesla wuu iska casilay shaqaalenimadii Edison, waxa uu shuraako la noqday ganacsade la yidhaahdo George Westinghouse; waxana uu aasaasay shirkad cusub oo la yidhaahdo “Tesla Electiric Light Company”. Intaa dabadeed Tesla waxa uu soo bandhigay nidaamka korontada talantaaliga ah oo ka awood iyo tayoba badneyd nidaamka Edison ee DC-ga. Thomas Edison wuxuu isku dayey inuu fidiyo dacaayad ganacsi oo ka dhan ahayd nidaamka Tesla, taasi oo sheegaysay in dabka AC-gu khatar ku yahay nolosha aadamaha; ayna ahayd in Tesla uu ka fiirsado arrintaas soo bandhigideeda. Tesla eedaas wuu iska difaacay; waxana uu soo bandhigay cadaymo lagu wada qanci karo oo muujinaya siyaabaha loo xakamayn karo khatarta AC-ga.
Ugu dambayntii, dunida oo dhammi waxa ay bilawday adeegsiga nidaamka AC-ga. Dagaalkii korontada ee u dhexeeyey Tesla iyo Edison, halkaas ayuu ku istaagay; waxana libintii ay raacday Tesla oo shaqaale u soo noqday Edison oo ahaa nin ganacsade ah oo isaga ka caansanaa, ka sumcad badnaa; kana maalqabeensanaa.
Horaa loo yidhi, “Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodona ha dheerayn ku dhici doontaana mooyaane.” Casharka halkan laga qaadan karaa waa mid iska fudud: Weligaa haku talax tegin weerarada noocan oo kale ah, sababta oo ah waxa aad u muuqan doontaa xaasid aargoosanaya, in ka badan muujinta ceebaha qofka aad dooneyso inaad dhaawac u geysato sumcadiisa.
M.C.A.Shiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here