Dagaalkii Biyaha ee U Dhaxeeyay Masar iyo Itoobiya Oo Dib U Bilawday

0
Wadamadda Itoobiya iyo Masar oo isku haya buuxinta biyo xidheenka Grand Ethopian Damp murankooduna noqday mid loo maaro waayay ayaa xiisadiisu imika u waregtay dhinaca Internetka .
Kooxo la baxay xoogaga Cyperka ee Horus ayaa la wareegay xogaha dawladda Itobiya ee koombiyuutaradda bishii june , waxaanay kusoo qoreen mareegahooda hadii biyaha wabiga Niilka wax yar lagga dhimo dhamaan ciidamada faraaciintu waa heegan waana diyaar .
Dhinaca kale , inan Etoobiyaana oo la yidhaahdo magaceeda Liz oo 21 jira afkana marsatay sibaaq guduudan , isla markaana ku labisan surwaal jiimisa ah iyo garan madow ayaa soo gashay aaladda loo yaqaano Tiktik iyadoo ku ciyaaraysa hees caana ay masriya iyadoo leh ku mashquuliya masaaridda inta aynu dhaamka buuxinayno .
Inantan Liz oo barteeda tuwiitarka ay ku xidhan tahay 70 kun oo qof ayaa gashay olole xoogle oo ay ku dacaayadaynayso masar kuna difaacayso itoobiya , waxaanay hal-ku dhig ka dhigatay ma jirro wadan nagga joojin karra biyaha wabigayagga .
Sidoo kale bishii Jully mar uu booqasho ku tagay dhaamka wasiira arrimaha biyaha ee Itoobiya ayaa wuxuu soo dhigtay bartiisa tuwitarka sawir ay ku qoran tahay dhaamkayagga , ka diba waxaa markiiba sawirkaa la booday inantii Liz waxaanay soo qortay ” looma baahna wada hadalka masar ”.
Si kastaba ha ahaatee , kooxaha la baxay Horrus oo hashtaagoodu yahay Nile4all iyo Egypt Nile rights iyo Gashaantidda Liza ayaa si xawli leh loolankoodu uga socdaa baraha Tuwiitarka iyadoo dhalinyaradda labadaa wadan u kala taacsan yihiin si xamaasadle .
Nin khabiira oo ah aasaasaha iyo Agaasiimaha guud ee haayad la yidhaahdo African Cyper defence forum , magaciisana la yidhaahdo
Gilbert Nyandeje,ayaa sheegey in weerarka kooxaha Horus group la baxay ku qaadeen Itoobiya uu yahay weerarkii ugu horeeyey ee Cyper attack ah ee wadan Afrikaani ku qaado wadan kale oo Afrikaana .
Waxa Diyaariyay Garyaqaan Axmed Nuur Guruuje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here