Dagaalka Azerbajan Vs Armenia

0

Saaka subaxnimaddii horre waxaa dagaal balaaadhani dhex maray ciidamadda labadda wadan ee Azerbajan iyo Armeniya , dagaalkaas oo qoloba qoladda kale ku eedeysay inay bilowday , waxaana jirra khasaare ka dhashay dagaalkaas oo u baddan ciimadada dagaalku dhex maray .

Xudunta muranka .

Labadan jamuuriyadood ee Azerbajan iyo Armeniya oo ka wada tirsanaan jirey dalwaynihii midowga soofiyeeti waxay isku hayaan gobol buuralay ah oo la yidhaaho Nagorno-Karabakh , gobolkaas oo labadda wadan midiba gaarkiisa u sheeganayso .

Nagorno-Karabakh .

Nagorno-Karabakh waa dhul buuralay ah oo cabir ahaan laggu qiyaaso 4400 Km sq , waxaana dhulkaas wada degen dad kasoo jeedda Azerbajan oo islaam ah iyo dad kasoo jeeda Armeniya oo kiristaana , waxaana xuduud ahaan la aqoon san yahay in uu ka tirsan yahay Azerbajan , waxaase dad ahaan ku badan dadka asalkoodu yahay Armeeniyiinta .

Sanadkii 1990 markii ay kala yaacday Dawladii Soofiyeetigu ciidamo jabhadeed gooni u goosadda ayaa qabsaday gacanka uu badda ka galo dhulka Nagorno-Karabakh , waxaana jabhadaa caawinayay jamuuriyadda Armeeniya , ilaa hadeerna Armeeniyiinta iyo jabhadaas is huwan oo ku dhawaaqay Jamuuriyada Nagorno-Karabakh ayaa dhulkaa qaybo badan oo ka midda gacanta ku haya.

Sanadihii 1994 iyo 2016 Dagaalo waawayn ayaa labadan wadan ku dhexmaray dhulkaas Nagorno-Karabakh , iyadoo ciidamadda labadda wadan sidda gobolka Kaashmiir isku hor fadhiya dhulkaas muddo dheer .

Is barbar dhigga labada wadan .

Azerbajan .

Azerbajan waa wadan muslim ah , tiradda dadkeeda waxaa laggu qiyaasaa 10 malyuun , Caasimadeedu waa Buku , dhul ahaana waxay ku fadhidaa dhul dhan 86,600kmsq .

Armaniya .

Armeniya waa wadan kiristaan ah , caasimadeedu waa Yerevan , dadka wadankaas waxaa laggu qiyaasaa 3 malyuun , bedka dhulkeedu ku fadhiyana 29,743 kmsq .

Dhinaca Milateriga iyo wadamada kala raacsan .

Azerbajan . Armaniya .

Ciidamada riglgaha 66 000 , 45 000

C kaydka ah , 300 oo kun 200 oo kun

Gaashaan qaadka 3 malyuun 800 oo kun .

Miisaaniiyada ciidamadda 2.73 Bilyan 0.5 Biyan .

GDP 5.7 % 4.7%

Taangiyadda 665 529

B Gaashaaman .1637 1000

Madaafiicda guurguura 237 38

M goobta . 196 105

Dhinaca ciidanka Cirka .

Azerbajan Armeeniya .

T G Diyaaraaha 127 65

D hawada isku shidaaliya 5 0

Kuwa shaqooyinka badan gala 13 0

D weerarka 11 13

Helicobtaradda . 75 42

Azerbajan waxay taageero ka wayn ka haysataa wadanka Turkigga, dhaqaalaheeduna wuxuu ku tiirsan yahay gaasta dabiiciga ah iyo patrolka iyo soo saarista walxaha kiimikooyinka ah , birta iyo sibidhka .

Armeniya dhaqaalaheedu wuxuu ku tiirsan yahay warshadaynta dharka , kiimikooyinka iyo dahabka iyo macdanta loo yaqaano Lead, waxaana taariikh ahaan ay taageero ka heshaa wadanka Ruushka , inkastoo ruushku aanu isu barbar taagin sidda Azerbajan uu isu barbartaagay wadanka Turkiggu .

AXMED NUUR GURUUJE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here