Dagaal Mar Kale Somaliland Iyo Somalia Ku Dhex Maraya Furaha Dal Ku Galka Telefoonka

0
817

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan  ayaa u digay shirkadaha Bixiya Adeegyadda Telefoonada, waxaana uu sheegay in aan laga aqbali karin in ay keenaan Soomaaliya Furre aan ahayn 252-ga loo aqoonsaday Soomaaliya.

qoraal kooban oo uu wasiirku ku baahiyay bogga uu ku leeyahay facebookga ayaa waxa uu ku yidhi
“Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo fulineysa qodobada Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxa ay ku gudo jirtaa dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo heer gebogebo ah maraya, taas oo masuuliyaddeeda ugu muhiimsan ay noqon doonto horumarinta, tayeynta iyo maamulka isgaarsiinta dalka.

Sidoo kale Wasaaradda waxa ay gacanta ku haysaa qorshe dib u habayn loogu samaynayo qorsheynta lambarrada ay isticmaalaan dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka, iyada oo ay billowdeen wadatashiyadiisa; waxaana muhiim ah in la ogaado in aysan suurtogal ahayn in uu ka shaqeeyo dalkan fure aan ahayn 252.

Waxaana uga digeynaa dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo cid kasta oo ay khuseyso in ay haddii ay isku dayaan isticmaalka fure aan ahayn 252 ay la kulmi karaan tallaabo sharciga waafaqsan oo ay ka mid noqon karto kala-noqoshada ruqsada adeegga.”

Hadalkan Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Soomaaliya ayaa ka danbeeyay ka dib markii uu Wasiirka Cusub ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi suufi Jibriil uu golaha wakiiladda somaliland ka hor sheegay in uu ku dedaali doono sidii ay somaliland u yeelan Lahayd Fure u gaar ah ugana guuri lahayd furaha soomaaliya ee lagu soo galo 252  “waxa aan doonaynaa in aan dalka u helno furre wadan oo aynu ka baxno furihii hore ee 252, sidoo kale waxa aan doonaynaa in aynu helno Post Dalka u gaar ah” ayuu yidhi wasiirka cusub ee Somaliland ee boosaha iyo  Technologyadda somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here