Cusbitaalka Hooyadda Iyo Dhalaanka Edna Oo 16 Sano Jirsaday + Sawirro

0
513

 Cusbitaalka Hooyadda iyo dhalaanka ee edna Maternity hospital oo ku yaala Magaaladda Hargeysa ayaa maanta lagu qabtay xaflad lagu xusayay 16 sano guuradda ka soo wareegtay markii cusbitaalkaasi la furay.

Xafladdan ayaa wax aka soo qayb galay wasiiro, dhakhaatiir, waalidiin iyo marti sharaf aad u badan, waxaana ugu horeyn halkaasi taariikhda cusbitaalka iyo waxyaabihi u qabsoomay ka warantay agaasimaah cusbitaalkaasi marwo edna aadan ismaaciil waxaanay tidhi.

“Cusbitaalkani waxa uu soo maray marxaladdo kala duwan, dhismihiisii waxa ka qayb galay saaxiibo badan, maanta waxa uu marayaa meel ilaahay loogu mahadiyo.

Intii uu jiray cusbitaalku waxa aanu halkan daawayn ugu fidinay dad gaadhaya  23866 qof, 22295 caruur ah ayaa intii uu jiray cusbitaalku iyaguna halkan ku dhashay, waxa kale oo aanu ku dawanay 215259 oo qof ayaanu iyagana ku dawaynay cusbitaalka, 240 oo qof bartay shaybaadhka ayaanu qarankan u tababarnay, waxa kale oo jira suuxiyeyaal aan iyagana soo saarnay, waxaanay waxaas oo dhami ku yimaadeen dedaalka ay sameeyeen dadka taageere cusbitaalkan, ilaahay ayaana mahadaas oo dhan iska leh.

Sidoo kale waxa ay ku yimaadeen waxaas oo dhami nabada iyo dawladdayada Somaliland” ayay tidhi Marwo edna aadan.

Qaar ka mid ah waalidiinta ubadkooda lagu daaweeyay cusbitaalkaasi iyo dhakhaatiirta ka hawl gasha cusbitaalkaasi ayaa iyaguna halkaasi ka sheegay sida u cusbitaalka edna uu u yahay hormuud ay ku soo hirtan shacabka Somaliland.

Wasiiradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo halkaasi ka hadashay ayaa xustay in cusbitaalka Edna uu meel wanaagsan ka jiro horumarka Somaliland, waxaanay u soo jeedisay haweenka Somaliland in ay wax badan kaga daydaan  Marwo Edna Adan “Runtii waxaas oo horumar ah ee laga sheekeeyay waxa ku talabasatay marwo Edna Aadan, waxaanan ku boorin lahaa dhamaanba haweenka iyo ardayda in ay wax badan kaga daydaan, waayo rag iyo dumarba waxa ay inoo tahay hormuud” ayay tidhi

Sidoo kale wasiir shaqo gelinta marwo Hinda Jaamac Gaani ayaa iyaduna xustay in cusbitaalka edna  uu wax badan ku soo kordhiyay Somaliland.

Gunaanadkina waxa halkaasi muraayaddaha araga lagu guddoonsiiyay 27 arday oo wax ka dhigta iskuuladda dawlada oo iyaga dakhaatiirta ka socota cusbitaalka edna ay ku booqdeen iskuuladdooda, waxaana muraayadadhaasi ugu deeqay cusbitaalka edna.

Sidoo kale waxa iyagana shahaado sharafyo lagu maamuusay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha cusbitaalkaasi oo intii uu cusbiitaalku jiray ka mid ahaa haldoorkii lagu majeertay shaqo wanaagooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here