Cusbitaalka Edna Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Dhakhaatiir Takhasus Ku Qaatay + Sawirro

0
553

Cusbitaalka iyo Jaamacada Edna Ee Magaaladda Hargeysa ku yaala ayaa xaflad lagu sii sagootinayay u qabtay lix dhakhtar oo cilmigooda takhasuska ku qaatay Cusbitaalkaasi.

Xafladan loo sameeyay ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro, waalidiin, arday iyo masuuliyiinta cusbitaalka iyo Jaamacada Edna.

Ugu horeyn mulkiilaha Cusbitaalka iyo jaamacada Edna Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo halkaasi ka hadashay ayaa ku dheeraatay qiimaha ay dalka ugu fadhiyaan lixdaasi dhakhtar ee u soo baxay Somaliland. “Runtii Maanta aad baan ugu faraxsanahay in aanu lix dhakhtar u soo saarnay dalka Somaliland, waxaana looga baahan yahay in ay dalkooda iyo dadkoodaba ugu shaqeeyaan si hagar la’aan ah.

Waxa aan u mahad celinayaa oo aanaan la’aantood talaabo qaadneen Hay’adaha UNFPA Iyo WHO, Waxaanay si weyn nooga taageereen in ay noo soo baxaan dhakhtiirtaasi.

Waxa aan iyagana u mahad celinayaa macalimiintii iyo dhakhaatiirtii sida weyn ugu tabcay, kuwaas oo isugu jira ajanabi iyo dhakhaatiirta Somaliland.

Ajanabiga halkan aanu idiinku ku keenay waa kuwo si tabaruc ah inoogu shaqaynaya, waxaanay hadh iyo habeenba heegan buuxa ugu jiraan sidii ay u soo saari lahaayeen dhakhaatiir tayo leh” ayay tidhi marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Waxa ay sidoo kale la sii dardaarantay dhakhaatiirta dhamaystay takhasuskoodii ay ku qaadanayeen Cusbitaalka Edna.

Sidoo kale dhakhaatiirtii iyaguna dedaalkooda isugu geeyay sidii ay ay dhakhaatiirtaasi u soo saari lahaayeen ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in tacabkoodii uu hir galay.

Wasiirka shaqo gelinta iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo waxbarashada Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa amaanay Dedaalka Ay Marwo Edna Aadan Gelisay Somaliland, waxaanay xuseen in looga baahan yahay bulshada kale ee reer Somaliland in ay ku daydaan.

Waxa ay sidoo kale la sii dardaarmeen dhakhaatiirta cusub ee u soo baxday Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here