Ciidamadda Gaadhka Ka Haya Guriga Bobi Wine Oo Dib U Celiyay Safiirka Maraykanka

0
Ciidamadda Ammaanka ee Dalka Uganda Oo ku Wareegsan Guriga uu degan yahay Murashaxa lagaga adkaaday doorashooyinkii dalkaasi ka dhacay ee Bobi Wine ayaa safiirka wadanka Maraykanka Ambassador Natalie Brown ka hor joogsaday in ay booqasho ugu tagto ninkan, xaaskiisa iyo ilmo yar oo uu dhalay oo ku go’doonsan gurigooda.
safiirka oo ay wehelinayeen laba qof oo kale oo Dublomaasiyiin ah ayaa safar ugu baxay degmadda Wakiso, hasayeeshee markii ay guriga soo gaadhay ayay ciidamadda amaanka ee gaadhka ku jiraa hor joogsadeen, halkaas ayaanay dib uga soo celiyeen safiirka iyo xubnaha wehelinayayba.
“Door intee le’eg ayuu Mareykanku ka ciyaaraa siyaasadda dalkan? Safiirka Mareykanku wax xidhiidh shaqsiyadeed ah miyay la leedahay Kyagulanyi? Taasi markaa waxay sii kordhineysaa tuhunno dheeraad ah, maxay ku sameyn laheyd halkaas? Mr Enanga oo ah afhayeen u hadlay ciidamadda booliska ayaa sidaasi yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here