Ciidamada Itoobiya Oo Raali Gelin Ka Bixiyay Falkii Ay Ku Galeen Qasriga Madaxtooyadda

0
651

Qaar ka mid ah ciidamada Milatariga Waddanka Ethiopia ayaa markii ugu horeysay raali gelin buuxda ka bixiyay fal ay dhawaan ku kaceen, ka dib markii ay iyaga oo hubaysan ay xafiiska Ra’isal Wasaaraha Waddankaasi cabasho la hor tageen.

Warkan oo lagu baahiyay FANA ayaa Waxa ay ciidamadani sheegeen in ay aad uga xun yihiin falkaasi isla markaana shacabka iyo xukuumadda wadankaba ay raali gelin ka siinayaan falkaasi oo ay ku tilmaameen in uu ahaa mid aan wakhtigan haboonayn.

Ciidamadan ayaa raali gelinta bixiyay ka dib markii ay kulan la yeesheen Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada Qalabka Sida ee Ethiopia.

Ciidamada Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Tagay ayaa tiradoodu ay gaadhaysay  250, kuwaas oo cabasho ku saabsan mushahaarkooda la hor tagay iyaga oo markii danbe la isku af gartay in la dhamayn doono wixii cabashadoodu ay salka ku hayso.

Ra’isal Wasaare Abiy ayaa dhagaystay Cabashada Ciidamada Waxaanu gunaanadkii u balan qaaday in wax badan laga qaban doono cabashadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here