China Oo Haweenka Muslimiinta Qoomiyadda Uighur Ku Soo Rogaya Sharci Xaddidaya Dhalmada

0

Shiinaha ayaa ku khasbaya dumarka ka tirsan qowmiyadda muslimiinta ee Uighur in ilmaha ay iska soo Ridaan ama in la siiyo waxyaabo ka hortaggayo in uur ay qaadaan si loo yareeyo tirada bulshada muslimiinta, sida laga soo xigtay daraasad cusub oo dhawaan soo baxday.

Warbixintan oo uu qoray aqoon yahan u dhashay Shiinaha oo lagu magacaabo Adrian Zenz, waxaa ka dhashay baaqyo caalami ah oo lagu baaqayo in Qaramada Midoobey ay baaritaan ku sameyso arrintaas.

Shiinaha wuxuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay wuxuuna ku tilmaamay “kuwo aan sal iyo sal raad laheyn”.

Dowladda Shiinaha ayaa dhalleecen kala kulantay caalamka kaddib markii la sheegay in xeryo uu ku hayo muslimiinta Uighur.

Waxaana la rumeysan yahay in ku dhawaad hal malyan oo qof oo ka tirsan muslimiinta Uighur iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay in Shiinaha uu ku xidhxidhan yihiin xeryo, waana howlgal uu Shiinaha ugu yeedhay ‘xeryaha dhaqan celinta’.

Maamulka Beijing wuxuu horey u diiday in xeryaha uu ku hayo muslimiinta Uighur la booqdo ka hor inta aanu sheegin in howgalka uu yahay mid looga soo horjeedo kooxaha argagixisada kaddib qalalaase ay gobolka Xinjiang ka wadeen kooxo gooni u goosad ah.

Maraykanka ayaa uga digay China in ay xeerkan dhaqan geliso, maadaama uu xad gudub ku yahay Xuquuqda Aadamaha.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here