China Oo Dhoolatus Milatari Ka Sameeyay Gacanta Taiwan

0
Afhayeen maanta gelinkii dambe u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga ee wadanka Shiinaha , magaciisana la yidhaahdo Tan kafei ayaa warbaahinta u sheegey in ciidamadda wadanka shiinaha oo loo yaqaano , ciidamadda xoraynta dadka shiinahA ( PLA) ay dhoola tus wayn oo ah mid u eeg dagaal rasmiya ay ku samayn doonaan gacanka Taiwan ee badwaynta Pacific gga .
Maraakiibta diyaaradaha xambaara ee wadankaasi shiinaha ee la kala yidhaahdo Liaoning iyo Shandong ayaa ka midda ciidamadda ka qayb qaadanaya dhoolatuskan , waxaana maraakiibtani imika ku sugan yihiin gacanka Taiwan iyagoo aad ugu dhaw dhulka Twain , iyadoo dhoola tuskani socon doono sidda la sheegey ilaa berri gelinka dambe .
Dhinaca kale , afhayeen u hadlay maalintii shalay wasaaradda arrimaha dabadda ee shiinaha ayaa ku hanjabay hadii ay sii socdaan kulamadda heerka sarre ah ee dhexmaraya madaxda Taiwan iyo wadanka maraykanku in ay ciidamadooda u diri doonaan Taiwan , sidaa darteed dhoolatuskan ayaa laggu macnaynayaa in uu jawaab u yahay xidhiidhadda tooska ah ee baryahan dambe dhex marayay Taiwan iyo Maraykan .
Si kastaba ahaatee , 5 sanadood ee ugu dambeeyey aduunyaddu waxay badhtanka ugu jirtay dagaal qabow oo si lama filaana uga dhex bilaabmay dawldaha waawayn , waxaana imika meel walba lagga dareemayaa , dhoolatuska ciidamadda , iibka hubka oo sarre u kacay iyo tartanka dawladuhu ugu jiraan samaynta hub cusub .
Waxa diyaariyay Axmed Nuur Guruuje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here