Chelsea Oo Ciyaaryahankii Ugu Horeeyay La Soo Wareegtay

0

Kooxda Kubbada Cagta ee Chelsea oo ka dhisan wadanka Ingiriiska ayaa heshiiskii ugu horeeyay la gashay ciyaaryahan tan iyo intii laga qafiifiyay Ganaaxii dhinaca wax kala iibsiga ka saarnaa.

Chelsea ayaa laacibka da’da yar ee Bryan Fiabema la gashay heshiis cusub oo uu kooxda kula joogi doono.

Xiddigan ayaa la sheegay in uu qalinka ku duugay heshiis cimrigiisu uu yahay saddex sano iyo badh.

Bryan Fiabema ayaa kulan la qaatay tababaraha kooxda Chelsea Lampard, waxaana lagu wadaa in uu ciyaaraha soo socda kooxdaasi kala qayb galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here