Ceergaabo: Maxaa Ka Soo Kordhay Weerarkii Xalay Lagu Qaaday Guriga Uu Ku Degay Taliyaha Milatariga Somaliland

0
657
????????????????????????????????????

Magaaladda Ceergaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxa lagu soo waramayaa in xalay fiidkii weerar lagu qaaday Guri uu ku degay Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Weerarkan oo ay dad goob joog ahaa u sheegeen Hadhwanaagnews in ay uu ahaa Qoriga loo yaqaano Seven ayaan geysanin wax khasaare ah, hasayeeshee Gidaarka Gurigaas ayay waxyeelo soo gaadhay.

Ciidamada Booliska ayaa dhinaca kale soo qabqabtay dad ku dhaw Tobaneeyo Qof oo loo aanaynayo in ay ka danbeeyaan falkaasi.

Ma jirto cid ka hadashay falkaasi,hasayeeshee xaalada Magaaladda Ceergaabo ayaa degan, waxaase jira yool-yool ay muujinayaan dadka deegaanku.

Maamulka Gobolka Sanaag iyo  saraakiisha ciidamada Milatariga Somaliland ayaan iyaguna wax war ah ka soo saarin xaaladda Magaaladaasi iyo weerarkii xalay lala beegsaday Guriga Taliyuhu uu ku soo degay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here