Ceelkii faanoole fari kama qodna

0

Dhamaan waxaan salaamayaa umada reer Somaliland meel walba oo ay ka joogaan dunidan aynu ku nool nahay, intaas ka bacdi .

Manta waxaan doonayaa in aan ka hadlo doorashooyinka Somaliland ee is barkan  gaar ahaan kuwa wakiilada iyo golayaasha deegaanka kuwaas oo laga yaabo in ay dib uga dhacaan xiligii loogu talo galay sababo badan awgood .

Komishanka doorashooyinka qaranka .

Waxaa xaqiiqo ah oo aan layska indho tiri Karin in aan komishanka maanta joogaa aanay qaban Karin wax doorasho ah oo la filaayo in ay dalkan iyo dadkan u dhacdo sababtoo ah iyaga laftooda ayaa inoo cadeeyey in aanay qaban Karin taas oo ay u nisbeeyeen wada shaqayn la,aanta kaga timi xisbiyada mucaaradka ah iyaga oo waliba carabka ku adkeeyay xisbiga wadani kaas oo isagu hore ugu gacan saydhay in aan komishanka maanta joogaa aanay wax doorasho ah u qaban Karin madaxwaynahana u soo jeediyay in la kala diro .

Sababo ay ku sheegeen xilgudasho la,aan iyo musuqmaasuq baahsan oo ay ku kaceen doorashooyinkii madaxtooyada jamhuuriyda Somaliland oo lagu eedeeyey in ay cid  ugu shubeen ama  gacan saar lalahaayeen siiba xisbigii  kulmiye ee markaas dalka hogaaminaayay waxaa kale oo ay sheegeen in ay jirtay ku shubasho baahsan oo dhamaan ka dhacday dalka oo dhan

Madaxtooya

Madaxtooyada lafteeda ayaa iyana sheegtay in aanay dalkan doorasho ka dhici Karin sababo la xidhiidha wakhtiga oo yar iyo khilaafka ka dhex taagan asxaabta mucaaradka ah oo adkaysi badani ka muuqdo siiba xisbiga wadani oo qaadacay in ay doorasho u qabtaan komishan ay wax ka tirsanayaan lana badalo , madaxwayne muuse  cabdina uu ku adkaystay in aanay marnaba xagiisa suurto gal ka ahayn inuu kala diro komishankii qabtay doorashadii uu ku yimi isagu taas oo uu ku tilmaamay mid u dhacday si xor iyo xaal ah .

Golaha guurtida

Golaha guurtida Somaliland ayaa iyaguna sheegay hadii ay sidan ku sii socoto muranka iyo qalalaasaha ka taagan doorashadu ay iyaguna go,aan kooda ciyaari doonaan oo ay samayn doonaan mudo kordhin kana war sugayaan madaxwaynahay jamhuuriyada Somaliland mudane muuse biixi cabdi oo hadii uu u soo gudbiyo arinkaas oo ay doorkooda ka ciyaari doonaan  dalkan iyo dadkana ay ka badbaadi doonaan duufaano siyaasadeed oo arinkaas ka dhasha .

by :  mustafe cali jaamac (Giriig)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here