Cawl Cilmi Cabdala “Mayor Lagu Xasuusto Waxqabad”

0

Maayir Cawl Cilmi A.H.U Waxa uu Caasimadda Somaliland ee Hargaysa maayir ka ahaa mudaddii u dhaxaysay Sanadihii 2000-2002 oo ku sinayd xilligii dib u dhiska dalka laguna soo laabtay magaallooyinka waaweyn waxana lagu xasuustaa dejintii dadkii ka soo laabtay xeryaha Qaxoontiga ee gudaha Waddanka iyo dalalka Jaarka siiba Itoobiya

Waxana uu ahaa inta aan xasuusto Maayirkii ugu Waxqabadka badanaa ee Hargaysa Soo maray intii ka dambaysay burburkii dawladdii dhexe ee Somalia Waxyaabaha uu qabtay ee lagu xusi karo laguna xasuusanaayo waxa ka mid ah Dhismaha Suuqyada waaweyn ee Gobanimo , Waaheen iyo goobo kale oo muhiim ah oo hada ka mid ah goobaha ugu israraatiijisan Caasimada

Sida Ishaarooyinkii Baabuurta kala hagi jiray ee Magaalada uu u sameeyay xilligii Duqa uu ka ahaa, Caalamadihii taallooyinka ahaa ee uu ka dhisay meelaha qaar iyo Diyaaradii uu Badhtamaha Magaalada saaray ee astaanta u ahayd xasuusta Halgankii Dalka loo soo maray iyo Xasuuqii shacbiga kasoo gaadhay Dawladdii kacaanka ee Siyaad barre

Alle Naxariistii janno ha ugu deeqee Mayir Cawl mar uu ka hadlaayay sida Hargaysi aanay ugu eekayn magaaladdii uu mayirka ka ahaa ee wada bilicda iyo nadaafadda ahayd waxa uu yidhi hadal miisaan Culus oo dhaxalgal ah una dhignaa sidatan ; “Hargaysi Maaha hadda Hargaysadii Aan maayirka ka ahaa”

Alle Naxariistii janno ha ka Waraabiyo Astaantii Horumarka iyo Bilicda Hargaysa

W/Q; Siddiiq Cabdi “Afyare”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here