Carabtu Waxay Ka Qayb Qaateen Riditaankii Dawladii Islaamka Ee Cusmaaniyiinta

0

Carabtu waxay ka qayb qaateen rididii dawladii Islamka ee ugu dambaysay “Otoman Impire” ayaga oo gacan siinayay reer Galbeedka.
Shariifkii Makka (1854-1931) ka talinayay baa loo sheegay in markii la rido Saldanada Cusmaaniyiinta, dib loo dhisi doono Khalaafa Islamiya kale oo asagu “Amiiral-Muminiin” ka noqon doono, maadama uu ka soo jeedo “Banii Haashi, Quraish” oo hogaanka Islamka ayagu xaq u lahaa.

Markii uu ogaaday in la sirayay ee reer Galbeed aanay doonayn dawlad Islam oo dambe inay dhisantaba, ayuu damcay inuu dhaqdhaqaaq kale oo reer Galbeedka Liddi ku ah sameeyo.
Lkn sidiisoo kale dabbaalo may ahayn gaaladu.
Baqor C/Casiis (1975-1953) baa la soo saaray oo asagii cunay, ogolaadayna inuu hankiisu ku ekaado dhul-weynaha Sacuudiga iyo sxbtinimada reer Galbeedka.
Mar dambana aan dhawaqa ‘Khalaafa Islaamiya’ ka soo yeerin dhulka barakaysan oo markii horaba uu ka soo hana qaaday.

Qorshaha ridida Cusmaaniyiinta waxaa feer socday qorshe kale oo Yuhuuda lagu dejinayay Falastiin oo reer Galbeedku ay wadeen. Waana ay guulaysteen labadii qorshaba:
Rididii Cusmaaniyiinta iyo dib u dejintii Yuhuuda ee Falastiin.

Carabtii shalay ku midaysnayd kana mid ahayd Khalaafadii Islamka ee Cusmaaniyiinta ayaa mar qura is arkay ayagoo 20-wadan ka kooban iyo Falastiin oo la qaatay!
Waxaana intaas sii dheeraa ayagii oo mid walbaa kan kale cadaw ka dhiganayo una kala tartamaya xiriirka reer Galbeedka oo Israel ay markaan kamid tahay.

Aan inyar dib kuu celiyo oo ku geeyo 14-qarni kahor iyo soo bixidii Nabi Mux’ed, SCW iyo siduu ahaa xaalka ay Carabi ku sugnayd.

Cali Cizat Bigofitch, ( Alija Izetbegović) Madaxweynihii hore ee Bosnia ayaa ku qoray buugiisa
“هروبي إلى الحرية”
“Islamku wuxuu u yimid ummado xadaarad lahaa iyo ummado badaw ahaa oo Islamka kahor aan waxba ahayn. Sooyaalka Islamkana labadii astaamood way ka dhex muuqdaan”

Romankii fadhiyay Bariga dhexe ee xaruntoodu ahayd Istambuul ta maanta, (byzantine) ama “Kaniisadii Bari ee Romanka”
Iyo boqortooyadii baaxada weynayd ee “Persia” ama “Faris” oo ahaa quwado waaweyn ee Islamka kahor ahaa kuwo awood iyo xadaarad ba isku darsaday baa Islamku labadiiba la wareegay oo ka saayid caleeyay.
Lkn Carabtu Islamka kahor waxay u qaybsanaayeen 4-qaybood:
1. Qolo Romanka ku hoos noolayd.
2. Qolo ku hoos jirtay Persia.
3. Qolo ku hoos jirtay Abyssinia ama Boqortooyadii Xabashida.
4. iyo Qolo Xijaas iyo Saxaraha deganayd oo badaawi bilaa dawlad ah ahaayeen. Qoladaan dambe ayuu Nabigu SCW ka dhashay.
Markay Islamka qaateenese, ayagii baa dunidii waagaas jirtay ugu laandheeraysnaa.

Shiinaha iyo Spain iyo inta u dhaxaysa ayay mar qura ka taliyeen. Raadkoodiina wali ka sii muuqdaa.

Hadii dawladii dhexe ee Islamku meesha kabaxday, qolo kastaa waxay u laabatay wixii ay ahaan jirtay Islamka kahor; Turki, Iran, Pakistan, Malaysia, Indonesia, Bagladesh iyo qaar kaloo badan oo ka tirsanaan jiray Byzantine iyo Persia waa kuwaas aayahooda ka talinaya kana tashanaya.
Lkn Carabtii waa loo taliyaa sidii loogu talin jiray Islamka kahor si lamida!

Yacnii inkastoo Islamka oo dhami uu ku khasaaray dhicidii Cusmaniyiinta, hadana Carabi waa ugu sii liidatay.

Waxba ha la yaabin in Carabi maanta ku tartamaan xiriirka Israel, oo niskii dambe ee qarnigii tagey ay nagu dhega jibin jireen Colaada Yuhuuda iyo xoraynta Qudus.
Labadiiba imminka way isaga hareen!
Inkaartii aan Jimca kasta la beegsan jirnay America iyo Israel waa la joojiyay.

Hada Turki iyo Iran baa la inkaaraa!

Somalia ayaa ku biirtay Jamicada Carabta 1973, halkaasna kala jaan qaaday baaqyadii Carbeed ee biya baxada ku dhamaaday.

Xadiis baa ahaa:
“خياركم في الجاهلية خياركم في الإسلام إذا فقهوا”.
Islamka kahor kuwiinii gobta ahaa baa gob sii ahaan doona Islamku haduu yimidna.

Aad baan uga mahad celinayaa go’aamo dhawr ah oo dawladeenu dhinaca saxda ah u qaaday marka ay timaado anaga iyo Carab.

Waxa Qoray Axmed Shariif

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here