Cadaani Oo U Caqli Celiyay Wasiir Guri Barwaaqo

0
276

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa u soo jeediyay Wasiirka Warfaafinta Somaliand Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo in uu isku wado shaqalaha wasaaradiisa,

“Wariyeyaashu waa niman dhalinyaro ah waana la isku dhacdhacaa, anigu waan u odayayn jiray, ninka Dhalinyarada ah ee soo Korayaa waxa uu ku wanaagsan yahay in aad tilmaantoo, marka aad tilmaanto halka aad mar walba sharciga la eeganayso, waayo walaal caruur bay leeyihiin, xaasas baa jira, waxa ay qaataana waynu ka war haynaa, hadii aanad liqin waxa yar ee ay kugu sameeyaan ileen waxa aad tahay Masuulkii reerkee, wasaaradda warfaafintee, banaanka intaad ula baxdo, waxa aad arki doontaa isagii ama iyadii oo isbedeshay” ayuu yidhi Cadaani oo u waramayay HCTV.

Cismaan Cabdiaahi Saxardiid oo dabo socday hadal hore uga soo yeedhay wasiir ku xigeenka warfaafinta somalilland maxamed muuse Abees ayaa yidhi Waxa aan ka jawaabayaa qodobka ah Kombuter keliya ayaan ugu nimid wasaaradda warfaafinta, waa wax caqli ka wayn wasaaradda warfaafinta waa wasaaradaha ugu waaweyn dalka, laakiin kombuterna kamaan tagin ee waxa aan ka tagay wasaarad buuxda oo dad iyo qalaba buuxda ayaan ka tagay” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here