Cabqarigii Fakhrigu Curdandhadhiyey

0

 

Sanadkii 1817-kii ayaa la dareemay awoodda maskaxeed ee Alla ku galladay, xilligaas oo uu dhiganeyey Dugsi “Cathedral School” ah oo Oslo ku yaalla. Isagoo da’diisu 15 jir tahay ayaa macalin wax u dhigi jiray oo la odhan jiray Michael Holmboe uu tusay buugtii ay qoreen xisaabyahanno ay ka mid yihiin Newton, Euler, Lagrange iyo Gauss. Ujeedka macalinkani ayaa ahayd inu cabqarigan da’da yar maskaxdiisa cariyo si uu iskii cilmi-baadhis ugu sameeyoo.

Nasiib darro, Sanadkii 1820-kii ayaa Aabihii dhintay. Kaba sii darane, wax xoolo ah oo ka hadhayna may jirin. Arrintani waxay keentay inu bixin kari waayo lacagtii Dugsiga, isla markaana ay ku soo baxsato mas’uuliyadii qoyskiisu. Balse Macalinkiisii Michael Holmboe ayaa asxaabtiisii uga ururiyey lacag kuna garab-galay inuu galo Jaamacadda Oslo oo waqtigaasi la odhan jiray “University of Christiania.” Sannad markuu jaamacadda ku jiray ayaa la guddoonsiiyey Shahaado Hordhac ah, intaas ka dibse si madax bannaan ayuu isaga sii watay cilmi-baadhistiisii.

Sannadkii 1823-kii ayaa la daabacay cilmi-baadhistiisii ugu horraysay. Cilmi-baadhistan oo ku saabsanayd ABYANADA IYO ISLEEGYADA FANSAAR “functional equations and integrals” waxa uu cabqarigani ku noqday qofkii ugu horreeyey ee dejiyey isla markaana xalliyey isleegta Abyan “Integral equation”

Markii cilmi-baadhistaasi la daabacay, ayey koox asxaabtiisii ka mid ahi dawladda Norway ku qalqaaliyeen inay Cabqarigan siiso lacag gunno ah si uu Jarmalka iyo Faransiiska ugu soo bandhigo aqoontiisa. Xilligani Faransiiska iyo Jarmalku waxa ay ahaayeen xarumaha aqoontu taallo, cabqariyiinta u badanina joogto.

Muddadii uu sugayey inay dawladda Norway u ansixiso gunnadii yarayd ayuu daabacay cilmi-baadhis labaad. Cilmi baadhistan waxa uu ku caddeeyey in aan hannaanka Aljebra lagu xallin karin isleegta tibxaale ee jibbaarkeedu 5 yahay. Taas oo ah:

ax⁵ + bx⁴ +cx³ +dx² +ex = 0

Isleegtan oo afka qalaad lagu yidhaahdo “Quintic equation” waxay ahayd mid xallinteeda dunidu u caal weyday, balse cabqarigan ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee gudaheeda soo xaadhay. Waxase xiise gaar ah leh in Waqtigan uu hawshan baaxadda weyn ka soo dhalaalay da’diisu ahayd 22 gu’ oo qudha.

1825 -1826 intii u dhexaysay oo uu asxaab reer Norway ah la joogay Magaalada Berlin ee wadanka Jarmalka, ayey is barteen nin la odhan jiray Leopold Crelle, kaas oo ay dhex martay saaxiibtinnimo qoto dheeri. Crelle oo ahaa Injineer aqoonta xisaabta xiiso badan u haya, ayaa bilaabay inu soo saaro Wargeys aqoonta xisaabta lagu daabaco. Nasiib wanaag, cadadkiisii ugu horreeyeyba waxa ku soo baxay cilmi baadhiso qoto dheer oo uu cabqarigan da’da yari sameeyey.

Saaxiibkii Crelle waxa uu ku dedaalay oo aad isugu taxallujiyey inuu u helo jaamacad uu wax ka dhigo si kaalintiisa aqooneed u muuqato, nasiib darrase uma suuro-gelin.

Dabayaaqadii sanadkii 1826-kii ayuu Cabqarigii da’da yaraa u huleelay dhankaa iyo wadanka Faransiiska, halkaas oo ahayd udub-dhexaadka aqoonta Xisaabta. Akademiyaddii Sayniska oo ahayd xaruntii ay joogeen xisaabyahanadii u waaweynaa ayuu u gudbiyey Cilmi-baadhis ku saabsan Waxa maanta loo yaqaano ARAGTIINKA ABEL “Abel’s theorem,” nasiib-darrase nuqulkii uu u gudbiyey wuxu ku dhex lumay xaruntii Akadamiyadda.

Waxa uu dib ugu laabtay dalkiisii Norway isaga oo weliba la il-daran cudurka Qaaxada oo ku dhacay. Waxa uu macalin ka noqday jaamacada Oslo. Inkastoo maalinba maalinta ka dambaysa caafimaadkiisu ka sii darayey, wax soo saarkiisa maskaxeed isma dhimin, waxaanu soo saaray cimi-baadhiso hor leh.

8 April 1829-kii ayuu saaxiibkii Crelle u soo diray warqad sida war faraxle, kaas oo ah in jaamacadda Berlin ogolaatay inu Bare ka noqdo, balse nasiib-darro cabqarigii da’da yaraa 6-dii April ayuu dhintay nasiibna umuu helin inu maqlo warkii uu ugu jeclaa noloshiisa.

Qofkan aan ka hadlayaa waa xisaabyahankii reer Norway ee Niels Henrik Abel. Waxa uu ku dhashay jasiirada Finnøy, ee dalka Norway, taariikhdu markay ahayd 5, August, 1802-dii .

Maanta abaal-marinta loo yaqaano Abel Prize waa ninka loogu magac daray. Abaal marintaas waxa sanad kasta la guddoonsiiya xisaabyahanka soo kordhiya aqoon hor leh.

Ma taqaan abaal marintan Abel lacagteedu inta ay tahay?

RAG BAA DUNIDAN SOO MARAY.

X/ Abwaan weedhsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here