‘Caasha Badhida’….. Waxa Qoray Dr-ibraahim Dhuxul

0
Waa mid ka mid ah Boqortooyadda Xayawaanka “Animalia”. gaar ahaan bahda xamaaratada “reptiles”. sidoo kale waxay ku jirta qoyska weyn ee Mulacyada “Lizards family”. waxay leedahay madax iyo afar lugood oo gaagaaban, iyo dib yar oo dhuuban kaas oo kuyaala xaggeeda danbe. Caasha-badhidu waxay ka mid tahay xayawaanada laf dhabarleyda ah” vertebrate animal”. waxay leedahay 20 ilaa 40 hiddo-side. waxaa badanaa laga helaa caasha-badhida oo ay gaar u tahay qaarada afrika gaar ahaan dalalka bariga afrika kuwaas oo ay mid yihiin Soomaalilaan iyo itoobiya. waxayna ku nooshahay dhulalka oomanaha ah “arid regions”, dhulka buuraleyda ah iyo dhulka bacaadka ah kaas oo leh ciid adag.
Caasha badhida waxay soomaalida qaarkeed u yiqaanaan daba-saqaf. Luuqada cilmiga xayawaanka waxaa lagu yidhaahdaa “Xenagama taylori’’ uguna caansan balse waxaa jira magacyo kale kuwaas oo ay ka mid yihiin: ”shield-tailed agama” iyo “dwarf shield-tailed agama”. waxaa jira qoys hoose oo ay ku jirto caasha-badhidu taas oo la yidhaa afka qalaad “Agama”. Caasha-badhida ta lab ayaa ka weyn tan dheddig, waxayna leedahay dahaadh ama qolof sarre oo adag. waxay dhashaa marka kali ah 8 midh oo beed ah, kuwaas oo ay ka dilaacaan 4 ama 5 kali ah. sidoo kale ka lab waxa uu xagga hoose ku leeyahay midab buluug ah kaas lagaga garto tan dheddiga.
Caasha badhidu markay qaangaadho dhererkeedu wuxuu gaadhaa 1 ilaa 3 senti mitir. halka culayskeeduna gaadho 20 garaam. Caasha-badhidu waxay badanaa u hooyataa godadka hoostooda kuwaas oo kuyaala meelaha geed gaabka ah ama buuraha hoostooda ah. wuxuuna jidhkeedu uu u adkaysan dhulka heerkulkiisu yahay: 45 ilaa 50 digrii. inkastoo badanaa uu celcelis ahaan u dhaxeeyo 25 ilaa 35 digrii. waxay qudataa badanaa: cayayaanka ’’insectivorous’’ iyo qaybo ka mid ah caleemaha dhirta cagaaran iyo midhaha. mida dheddig waxay aastaa beedka markay dhasho ilaa 8 ilaa 10 senti mitir oo dhulka hoostiisa ah.
Caasha badhidu waa xayawaanada u kora si dhakhso ah. waxa ay dibkeeda danbe iskaga difaaca xayawaanada wax ugaadhsada habeenkii, taas oo kusoo awda afka laga soo galo godka ay u hooyato. Nin saynis yahan ah oo lagu magacaabo “Tomas Mazur” kaas oo u dhashay jamuuriyadda jeek kuna takhasusay cilmiga xamaaratada “herpetology” ayaa cadeeyay in laba nooc oo ay caasha badhida u qabsanto in laga hello deegaanada soomaalilaan, kuwaas oo kala ah “Xenagama batillifera, iyo Xenagama taylori”.
W\Q : Dr-Ibraahim Maxamed Kaahin (Dhuxul)
dribraahimm@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here