Buug-yare laga qoray Taariikhdii iyo Halgankii Xaawo Axmed Yuusuf (Xaawo Taako)

0

Buug-yare laga qoray Taariikhdii iyo Halgankii Xaawo Axmed Yuusuf (Xaawo Taako) waxa uu ka mid ahaa aqoonta iyo sooyaalka aan Jigjiga kula kulmay, Sep 2017.

 

Xogtan hoose waxa aan ka soo minguuriyey berigaas buug-yarahaas:
Aabbaheed waxa la odhan jirey Ahmed Yuusuf Muuse, hooyadeedna Aamina Xirsi Faarax.

Waxa ay ku dhalatay ODA, Faraqa Laama Lawshka, qaryada Farda ee degmada Qabri-bayax ee gobolka Faafan ee Dawladda Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Degaanka Saliidley ayay ku barbaartay. Xoolo dhaqato iyo beeraley ayay ku kaalin gashay.

Xaawo Taako waxa ay ka mid noqotay dhallinyaradii SYL ee halganka ka bilowdey gobolka Faafan, gaar ahaan caasimadda Jigjiga iyo meelo ka mid ah gobolka Jarar, gaar ahaan xaruntiisa Dhagax-buur.

Xaawo, AHN, waxa ay ahayd baa la yidhi gabadh soohan oo maarriin dhalaal ah oo dhererkeedu uu dhexdhexaad ahaa oo timo dheer. Way firfircoonayd, waxa aanay la booddo jaran jirtey wiilasha la ayniga ah.

Xilligii halgankeeda ee Jigjiga waxa ay caan ku ahayd ku dagaallanka wadhafka (dhagax-tuurka), seefta, waranka, gaashaanka, leebka iyo qaansada, ulaha iyo budadka, toorrida, badeelka iwm, iyada oo xilli dambena ku tababaratay qori maarre ah oo Talyaaniga laga furtay.

1945 ayay xaruntii SYL ka mid noqotay. Xaruntu waxa ahayd halka uu hadda yahay gurigii Khaliif Aw Jibriil oo isna reer Qabri-bayax ahaa, gurigiisa SYL ugu deeqay.

Naanaysta Taako waxa ay u baxday mar dambe xilligii ay Muqdisho u wareegtey. Gaadhi dalcad fananayey oo koox SYL ahi saarnaayeen ayaa ku sigtay in uu dib u taraaro. Xaawo Axmed oo la socotey ayaa Jenbiga bidix ka boodey oo dhagax weyn la haaddey oo shaaggii gaadhiga ku taakaysay.

Wadihii gaadhiga ayaa ugu yeedhay Xaawo Taako. Halkaas ayuu magacu ka raacay.

Xaawo Taako asxaabtii ay SYL ku saaxiibeen waxa ka mid ahaa:
1. Xaliimo Soofe;
2. Sheekh Maxamuud Maalin-guur;
3. Khaliif Aw Jibriil;
4. Xuseen Giirre, iyo
5. Makhtal Daahir.

Dagaalkii Dhagax-tuur (Ha Noolaato) ee Leegadu Talyaaniga ku qaadday ayay Xaawo Axmed Yuusuf (Xaawo Taako) ku geeriyoodey. Fallaadh lagu soo ganay ayaa naaska bidix hoostiisa ka haleelay 11 Jan 1948. 28 jir ayay ahayd markaas gammuunka mariidka lehi galaaftay.

Nin reer Muqdisho ah ayay Xaawo u dhaxday. Wiil iyo laba gabdhood ayay u dihatey. Hore na waxa kale oo aan u maqlay in nin reer Hargeysa ahi mar guursadey oo aanay wax ubad ah isu yeelan.

Qayro (Qayrada) marka Faafan la joogo waxa loo yaqaan Tuulo (Tuulada).

Badeel (Badeelka) = Majarafad (Majarafadda).

Beddel Cabdillaahi (Geelle-yare) iyo Baashe Ismaaciil ayaa buug-yarahaas ii hibeeyey. Mar iyo labada iyo ka badan waan u baahnaa degaanka DDS in aan u aqoon doonto, gaar ahaan arrimaha dhaqanka, afka iyo suugaanta.

Soomaaliyi halkaas kuma kala maqna degmo ahaan.

Maxamed Baashe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here