Buudoodle: Joogitaanka Cali Khaliif, Tegista Xaglatoosiye Iyo Amarka Duqayda Buuhoodle

0

“Adeer, Xaglatoosiye waa Buuhoodle, Buuhoodlena waa Xaglatoosiye, Baashe, Dhakool iyo Cali Khaliifna waa ilmaadeer  shuraako ah”

Iyadoo Cali Khaliif Galaydh ku sugan yahay magaaladda Buuhoodle, isla markaana uu ka wado siyaasad ka dhan ah Somaliland, ayaa isna waxa shalay safar ku tegay deegaankaa wasiirka Caafimaaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ah wasiirka jiiddaa ugu jira xukuumadda kulmiye.

Horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo safar kedis ah ku yimi Buuhoodle, isla markaana weli ku sugan ayaa la sheegay in aanuu soo dhawayn waafi ah kala kulmin dadka reer Buuhoodle. Siday faafiyeen shabakadaha wararka deegaankaa qaarkood, Cali Khaliif wuxuu foodsaaro ka soo dhigtay waxoogaa dawo, taasuu uu ugu talagalay inuu shaki ku kala geliyo dadka deegaankaa oo aan ogolayn inay Buuhoodle u noqoto meel uu gool siyaasadeed ka dhashado.

“dawooyinka aan wado wallee waxa noogu dhib badnaa kuwo reer Buuhoodle ah oo maamuladda u shaqeeya, oo aan ogolayn in Buuhoodle dawo la geeyo. Baasaboorka xafiiskiisii waan idiin wadaa, dib dambena Garoowe iyo Gaalkacayo u aadi maysaan.” Sidaa waxa yidhi Cali Khaliif siday baahisay shabakada wararka internetka ee Kalshaalenews.

Shabakadu waxa kale  oo ay faafisay, in Cali Khaliif uu qayb ka yahay dagaalka ay gudoomiye xigeenka wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed iyo Xil. Dhakool ku qaadeen Wasiirka caafimaadka Xaglatoosiye, isla markaana ay isku xidhan yihiin sadexdooda oo ah ilmaadeer isku jifo ah.

“reer Buuhoodle ma aqbali doonaan in Buuhoodle u noqoto Cali Khaliif goob uu ku dhashado gool siyaasadeed oo uu ugu hiilinayo kooxdiisa dagaalka ku haysa Wasiir Xaglatoosiye.” Sidaa waxa qoray isla shabakadaa.

Dhanka kale warar aanu xalay ka helay Buuhoodle ayaa sheegay, in duqay deegaanka ka tirsani ku wargelisay Cali Khaliif inuu ka tago magaalada, isla markaana aanay doonayn xasarad siyaasadeed.

“Adeer, Xaglatoosiye waa Buuhoodle, Buuhoodlena waa Xaglatoosiye, Baashe, Dhakool iyo Cali Khaliifna waa xasarad ilmaadeer ah oo shuraako ah, Dhulbahantena wax uma aha cid kalena uma aha.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah duqayda reer Buuhoodle oo wargeyska Ogaal la hadlay isagoo jooga Buuhoodle xalay xilli ay sugayeen wefti uu hogaaminayay wasiirka Caafimaadka Somaliland Xaglatoosiye oo socdaal ku tegay halkaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here