Brazil: Ey Muddo Bil Ah Xayndaabka Cusbitaal Ku Hor Sugaya Ninkii Soo Rabaystay Oo U Dhintay Tooray

0
337

Dalka Brazil todobaadkan waxa ay warbaahintu soo tabiyeen Qisada Ey muddo bil ah hor fadhiyay cusbitaal la dhigay ninkii soo rabaystay, kaas oo tooray la geliyay markii danbe u dhintay.

eygan ayaa diiday in uu ka hor tago cusbitaalka, waxaana uu hadh iyo habeenba hor fadhiyaa cusbitaalkii la dhigay ninkii soo rabaystay oo ahaa dadka aan lahayn guryaha ee iyagu banaanada iska seexda, hasayeeshee koox tuugo ahi ay tooray geliyeen.

dhaawaciisa ayaa loola soo cararay cusbitaalka, balse waxa uu u dhintay dhaawaca ka soo gaadhay Tooraydaasi oo meel halis ah ka gashay.

Cristine Sardella oo sawiro ka soo qaaday eygaas ayaa ku faafiyay Bogga uu ku leeyahay facebookga waxaanu ku dul qoray “dadku waa in ay wax ka bartaan eygaas”

arrintan ayaa si aad ah loogu falanqeeyay Baraha bulshadda iyo warbaahinta dalka Brazil, waxaana lagu tilmaamay in ay tahay dhacdo aad u xiiso badan.

Eygaas ayaan dadka cusbitaalka gelaya iyo kuwa ka baxaya aan ku qaadayn wax weerar ah, waxaanu si degan isaga fadhiyaa xayndaabka cusbitaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here