Brazil: Cadho Ka Dhalatay Nin Boolis Ah Oo Luqunta Iskaga Taagay Gabadh Madaw Ah

0

Laba askari oo boolis ah oo ka tirsan milatariga magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil ayaa lagu soo oogay dacwad kaddib marki talefishiin laga baahiyey muuqaal muujinaya iyaga oo haweeney madow ah qoorta jilibka kaga haya.

Haweeneyda dhibbanaha ah oo ay da’deedu tahay dhexdhexaad ayaa  ah mulkiile iskaleh goob lagu caweeyo xilliga xadgudubka loo geysanayey gacmaha ayey ka xidhnayd.

Muuqaalka waxaa duubay qof goob joog u ahaa dhacdaadaasi oo dhacday bishii May ee sanadkan.

Badhasaabka gobolka Joao Doria wuxuu sheegay in aanu u dul qaadaneyn xadgudubyada noocaasi ah, labadi askarina shaqada laga eryey.

Hase yeeshee, magacda labada askari lama shaacinin.

Barasaabka wuxuu intaa ku daray 2,000 oo ka mid ah askarta booliska ka howl gasha magaalada Sao Paulo in lagu qalabeeyey kaameerada labbiska askariga lagu xidho.

source: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here