Booliska Oo Soo Qabtay Laba Nin Oo Barokacayaasha Muqdisho Lacag Kaga Uruursan Jiray Kaadhadh Been Abuur Ah

0
279

Maamulka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa Isniintii shalay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay laba nin, oo sida ay sheegeen ku shaqaysan jiray kaarar been abuur ah.

Labadan nin oo lala soo qabtay gaari NOAH ahaa, ayaa lagu eedeeyay inay dadka barakacayaasha ee ku nool Degmada Kaxda u qaybinayeen kaararkaasi, iyagoo markaasi lacago kaga qaadanayay.

Maxamed Ismaaciil C/laahi, Gudoomiyaha Degmada Kaxda, ayaa sheegay in muddo dheer lagu daba joogay raggan, ugu dambeena ay suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo.

Gudoomiyaha, ayaa tilmaamay in lagu soo wargeliyay rag ku shaqaysanaya kaarar loo ekeysiiyay kuwa ay bixiyan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha sama-falka iyo midka uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaa oo cunno iyo wa-xooggaa lacago lagu siiyo qoysaska barakacayaasha ah ee degan xeryaha ku yaala Degmada Kaxda.

Gudoomiyaha, ayaa xusay bedelkii la doonayay in gacan loo fidiyo qoysaska danyarta, ay taasi bedelkeed raggaani ku shaqaysan jireen inay noloshoodu sii adkeeyaan.

Mid ka mid ah ragga la soo bandhigay oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa iska fogeeyay inuu wax ka ogyahay samaynta kaararkaasi, balse uu yahay shaqaale maalintii toban dollar ($10) ku qaadanayay in la suuq-geeyo kaadhadhkaasi.

Maxamed Cabdi, ayaa ku celiyay inaanu waxba kala socon been abuurka kaararkaasi, illaa iyo hadana uu u haysto inay yihiin kaarar sharci ah oo dadku ay ku qaadan karaan cuntada.

Xigasho Universaltv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here