BOING 747: Yaa Afduubka Ka Badbaadinaya Rakaabka Iyo Diyaaradda? M. F. Ibraahim. Qaybta 2aad

0

Halgan dheer kadib  Wabar Dheere waxa loo xidhay shaadhka Kabtanka, waxaana la siiyay ruqsadii bayloodka ee uu ku duulin lahaa diyaaradda. Wuxuu  ku fadhiistay kursigii, suunkii buu xidhay, selefkuu ku dhuftay,  Cabaar markay guuxaysay ee uu hubiyay in albaabadii loo xidhay ayuu taayirka u rogay, markay dhabihii orodka qabsatay, halkuu geerka ka bedeli lahaa ee  xawaaraha ka kordhin lahaa wuu hilmaamay. Iyadoo luudaysa uun bay garoonkii ku dul warwareegtaa. “Waar diyaaradda maxaa ka siya?, waar maxaa kugu dhacay?, maxaad la kici la,dahay?.” Qoladdii hagida iyo koontaroolka duulimaadka Madaarku intaa way la hadlayaan, misana jawaab waafiya ma siiyo. Aakhirkii wuxuu xusuustay waxa dhiman, geerkii cuslaa buu ku tuuray, cagtana wuu ka dhaqaajiyay, “imikaan duulayaaye, diyaaradaha kale iga weeciya” intuu ku yidhi qoladdii taawarka hagista ayuu lugaha dhulka uga qaaday. Wabar Dheere diyaaradii kici, balse markuu hawada sare geeyay ee waddadii ku hagaajiyay ayaa lagu soo booday.

Intuu Kudkude shookaanta sii xeji ku yidhi ayuu iska seexday. Halagu soo noqdee, waa looga sii daray oo hurdadiisaa laga faa,iidaystay. Kudkude wuu dadaalay, waa hawlkar gaaban, misana waa layli, curfi yara silloon iyo booddana waa u wehelisaa. Shaadhkii Kabtankuu nasiib iyo si dadban u gashaday. Markaasuu marba dhinac diyaaradda u weeciyay, kolba gidaar ku xoqay, kuruuga kale ee hawsha diyaaradda ku weheliyaana badi colkiisay noqdeen, oo waa mutaabiciin, illayn shaadhkii buu xidhan yahaye.  Waa laga daba qayliyay,isna difaaca iyo hanjabaaduu badiyay, wax iska celintuu xoogga saaray, dariiq buu jeexday, wax aanuu ogayn buu ogaaday,  wuu isla baxay, way isugu toostay, ha isugu toostee wuu ka badbadiyay. Mooye, oo caawiyaha Kabtanka ahina, indho buurbuuran uun buu wax ku eegayaa ee wax kale ma hayo. Kabtanka laftiisaa marmar ilaawa, kuye;  “ Waar horta kan indhaha buurbuurani xagguu inaga soo raacay?.”   Wabar Dheere  marmar buu soo  toosaa oo kor u qayliyaa, kuye; “Kudkude mee?”, way kan Adeer markuu u celiyo ee uu codkiisa maqluu, ku xigsiiyaa, “fariid, sii xeji adeer”, markaasuu hurdada iskaga noqdaa.  Waa wiil uu adeer u yahay oo uu hawsha wadista ku xawilay, si uu culayska hawsha uga qaabilo, isna magac ahaan u soo baxo. Muu lumin fursadaa ee siddeeduu uga faa,iidaystay, wuu  istaawiyay, haatana waxa haya hunguri kii hore ka wayn. Raggeedii, durbaan culus baa laga daba tumayaa. Dar baa leh jar iska xoornimuu waddaa yarku, isna wuxuu ugu jawaabaa, “waxa ii cad wax aydaan arkayn”, ogow, damacuna go,aan iyo geesinimuu u baahanyay.

Dhawr gu, markuu keligii shaadhka Adeerkii xidhnaa, ayaa  layska daba yimi, Farrow oo Derrida Kabtanka ah iyo madaxa hablaha diyaaradda ayaa dhankooda jiitay, dhaliilihiisa iyo dadkii ay isa seegeen oo dhan baa la soo ururiyay, sidii loogu sheegayay khaladkiisa ee loogu dirayay Kabtan Wabar markuu soo yara toosaba, ayuu markii dambe malaha wax yidhi. Mooyi meel uu ka yidhi,  Kudkude ma oga, Farrow iyo Filfilo oo hablaha  diyaaradda horjooge u ah ayaa laga hayaa, Kabtan Wabar sidaasuu yidhi. Sidaasaa Kudkude  saaxiibadii kii ugu cuslaa oo khasnada qaabilsanaa shidhka looga tuuray. Sidaasaa bahashii awoodda ahayd ee ku wada xawilayd isaga, meel dhexe loogu xawilay, itaalka teelo looma dhigan, shidhkuun baa laga tuuri kari la, yahay, oo shukaanta weli dhan buu haystaa. Laakiin siddii hore maaha oo baalkaa ka yara qoyan. Markay tiisa ahayd go,aankuu wax dheeraa oo hawshu waa kala socotay, haddase Farrow isheeduu eegayaa, waxaanay ogayn ma yeeli karo, markay iyada dhaaftana yarkeeda Buushe iyo Buushaa yaabay oo hadda soo biiray, wiilasha habluhu ma hawl yara. Shaybaadhka rasmiga ahina waa Filfilo, iyadaa dhinac fadhida Farrow (Derrida Wabarka), dhinac socota, labadoodu bidhaan lamaan weeye. Iyana  (Filfilo) waxa tafta haysta walaalkeed Dhuunyaale oo meeshii dufanleba ay faraha u geliso. . Ma tira yara kooxdu.  Mooye, oo kaaliyaha bayloodka ahi, awalba  khayr badan muu lahayn, isgooniyayn iyo dabeecad xumana way la degtay. Markii horeba siduu kaaliyaha ku helay baan  ijaabo iyo khayr lahayn, haba iska ahaatee,   isna daymo iyo dudmo joogta ah mooyee karti kale ma le. Shaw Mooye bilaa Tib ahi qaneecaad malaha.

Wax ma tarayaal war qaadista ku fiican ayay Farrow iyo Filfilo  soo dhawaysteen.  Nacamlayaashoodu way badan yihiin. “Idinkaa Kabtankiiba ka wadis fiican, wallaahi bayloodaa tihiin, rakaabku maqsuud buu ka yahay sidaa diyaaradda u wadaan.” Intaasay la ag fadhiyaan oo ugu celceliyaan, Kudkude  lalama wadaagi jirin intii hore amaantaa beenta ah, balse imika hablahaa la qaybsada, haddaanay ka badsanba. Istareex  way kala bataan markay erayaddaa maqlaan. Hadda heshiis maaha ee waa khilaaf wada jooga, isceshanaya, oo  dhinacba dhinac hoosta ka tuurtuurayo. Haatanse hablahaa bura,sida. Waxaa dhacayaa dhamaanteed waa hawl ay iyagu qabteen. Iyagaa doontaye looma diran. Inqilaab waayuhu u fududeeyay ayay kula wareegeen shukaanta diyaaradda. Inkastoo weli Kudkude ku maran yahay, haddana, sidaasay Farrow(Derrida Wabarka),  Filfilo iyo  hablaha kale ee diyaaradu(air hostes) majaraha ugu qabteen hagida duulimaadka.

Diyaaraddu waxay ku socotaa xawli, cirkiyo dhulka dhexdooda. Xidhiidhkii hagayaasha diyaaradaha(Air traffic control) ee dhulka oo ah bayloodka dhabta ah ee waddooyinka cirka u qaybiya diyaaradaha, beri horay kala xidhiidh furteen. Intaa way la hadlayaan hagayaashu, balse uma jawaabayaan. Waxay ka baqayaan in codkooda wax laga dhex  fahmo. Waxay is qariyaanba aakhirkii laysku bashiishay oo haatan waxba kama qarsoona hagayaasha.  Xidhiidh waxa ugu dambaysay markay shukaanta marroorsadeen. Digniino badan oo la siiyay, way iska dhega tireen. Naa, maxay inaga qaadayaan iyo annaa ka aqaanoo way iska ciyaarayaan ayay Derrida Wabarka iyo Filfilo isku dhaafiyaan digniinaha hagayaasha. Misana isma hayn karaanne marka saadku go,o ayay Ismaliig ku yidhaahdaan; “wax walba waa ogolahaye horta saad nala soo gaadha ku dheh.” Markaasuu qayladhaan dirraa oo la xidhiidhaa. “Rakaabkii macaluul baa laysay ee gurmad nala soo gaadha.”  Lexejecladda rakaabka iyo diyaaradda loo hayo darteed, baa loogu gurmadda. Hawaddaa lagu waraabiyaa. Hase yeeshee iyaga iyo dhakhandhookhyaddooda wax ma dheera, rakaabka intiisa kalena waa ooman yahay oo wax lama gaadhsiiyo. Nasiib darro dhawr goor baa Ismaliig sidaa loo khiyaameeyay, oo inta wax loo diray oo uu hagayaasha caalamiga ah hor tegay,  markii ay dhankooda ka aqbaleen, ee uu ka soo laabtay kadibna lagaga baxay  . Dhawr goor markii wacadkii uu hagayaasha la galay dhankuu metelayay ka beenoobay ee ku badhi fureen, ayuu markii dambe wax walba u sheegay kuye; “  Meeshan,  Derrida, mid yaroo dhakawayn oo xaynka haysta iyo Filfilo ayaa talladu ka go,daa, Bayloodku ma wado diyaaradda, waa duq awooddii farihiisa ka baxday.” Awalba war badan bay hayeen, balse isagu haanta gunteeduu ku jiraa oo wax walba wuu ogyahay.  wuxuu u sheegay wax ay hore u hayeen iyo wax aanay ogaynba way isugu jireen. Laba markii hore kuruuga ka mid ahaa oo shidhka laga tuurayna, cadhadii wax walba way u sheegeen hagayaasha. Aad bay u xiisaynayeen la kulankooda isla markaana way martiqaadeen oo la sheekaysteen.  Waxba ma qarsoonna haatan, wax waliba banaankay yaallaan. Markan hagayaasha caalamiga ah waxba kuma seegana waxa ka socda gudaha diyaaradda. Sidaa daraadeed,  si toos ah ayay u soo waceen kuye; “waanu idin ognahay, in sadexdiina taladu fadhido.”

Markaasay wax dhaqdhaqaajiyaan. “ Naa, Mooye u yeedh, Duwane u yeedh, Roorraaye iyo Qoslaaye soo hojiya ku dheh xaalladu way yara adag tahaye.”  Mooye Indhabuur ma ilbaxo, Duwannena dantaada maqaar Ey baa loogu seexdaa baa si kale ka  dhigtay. Sidii nin cid aan ka adkaan jirrini ka adkaatay ayuu gorroda laalaadinayaa, berri horuu qarxi lahaa ee intaa wuu isbakhtiinayaa. Soo meero iyo baryada sawirkeedii ma laha, bidhaantiisuna waa gafuurtaag, qab aan wejigiisu furayn baa geed ku xidhay, misana wuxuu doonayaa dadkay ku xidhan yihiin.  Laakiin doorkanaaba loogu qaatay, dhankeen kaa dhirbaaxnaa, dhan walba waa u dhigtay, Samir iyo isdaad raacin buu dugsaday, cadhuu bestii yahay, inay maalin uun tiisa noqoto buu wax kasta u xamilay. Laakiin inuu cadka qaybtiisaa qaataa may seegin  oo markuu cadhoodaba waa loo geeyaa. Waa taajir, misana  isagaa ishaysta intaanay cid kale isgaadhin.    La soco………

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here