Baarlamaanka Uk Oo Mar Kale Hor Joogsaday Qorshihii Raysal Wasaare May

0
British Prime Minister Theresa May talks during a no confidence debate after Parliament rejected her Brexit deal, in London, Britain, January 16, 2019. UK Parliament/Jessica Taylor/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY.

Raysalwasaaraha dalka ingiriiska ayaa ku guul daraysatay qorshihii ugu danbeeyay ee ay ku damacsanayd in ingiriisku uu kaga baxo midawga yurub.

Theres may ayaa xalay hor tagtay baarlamaanka dalkeeda, iyadoo xildhibaanaduna ay su’aalo halkaa ku waydiiyeen.

 

Xildhibaanda ingiiriiska ayaa markii 2-baad cod aqlabiyad leh ku diiday qorshaha ay wadatao theresa may, taas oo ingiriiska galinaysa muddo kale oo hubaal la’aan siyaasadeed ah, iyadoo mudadii loo qabtay in ingiriisku uu kaga baxo midawga yurubna ay ka hadhsantahay muddo 17 maalmood ahi.

242 xildhibaan ayaa is hortaagay heshiiskan ay mrs may lasoo gashay madaxda yurub, oo u cuntami waayay.

 

Raysaklwasaare may oo diidmada baarlmaanka kadib hadashay ayaa iyadoo xabeebsan oo cunuhu xidhanyahay waxay tibaaxday, in ay aad uga xuntahay diidmada baarlamaanka ee heshiiska ay wadato oo ay ku tilmaantay kii ugu wanagsanaa, iyo kan kaliya ee la smaayn karo illaa hadda.

 

Xildhibaanda baarlamanka dalka brtitin ayaa u cod u qaadi doona in ingiriisku uu heshiis la’aan ka baxo midawga yurub iyo muddo kale la sugo heshiis rasmi ah oo dhammaan dhinacyada qanciya.

 

29ka bishan aynu ku jirno ee march ayay ku beeganthaay mudada kama danbesta ah ee ingiriisku uu si rasmi ah dibada uga noqonayo yurub inteeda kale, xili uu isfahamwaaga siaasaded ee gudaha ingiriisku uu kor usii kacayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here