Baarlamaanka Ethiopia Oo Doortay Ra’isal Wasaare Cusub

0
314

Baarlamaanka wadanka Ethiopia ayaa u codeeyay in uu dalkaasi hogaamiyo  Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed Cali oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada ee ugu badan wadankaasi.

Mr. Abiy oo ay dhawaan u doorteen xilka guddoomiyenimo xisbiga Ethiopian People’s Revolutionary Front (EPRDF) ayaa maanta codka kalsoonida ka helay baarlamaanka wadankaasi.

Hore ayaa xisbiga qoomiyadda Oromada ee OPDO ay ugu doorteen in uu noqdo guddoomiyaha xisbigaasi, kaas oo u sii sahlay in xisbiga EPRDF uu isna doorto guddoomiyenimada Xisbigaasi.

Ka hor xilka Ra’isal Wasaarenimo waxa uu hore u soo noqday agaasimaha xarunta sayniska iyo Teknologyadda ee wadanka Itoobiya iyo Wasiirka Science and Technology (MoST).

Waa 42 sano jir ay iska dhaleen aabe Muslim ah iyo hooyo haysata ama aaminsan Kiristaan, waxaanu sidoo kale ahaa Janaraal dhinaca ciidamada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here