Baananka iyo soomaalida.

0
217

Umada  soomaaliyeed badankeedu waxay u baahantay inay fahanto wuxu yahay bangi, shaqadu qabto, faa-idada bangiyadu u leeyihiin? Marka ay fahman shacabka somaliyeed su aalahan iyo qaar kaloo ka ag dhaw ayay ku dhiiran karaan oo u hiloowi karaan isticmaalka bangiyada lakin inta aanay fahmin ama aanay ka jawaabi karayn su aalahas kor ku xusan inay isticmaalaan waa baabacadaas oo layidhi timo hakasoo baxaan oo ka dhigan hadalkii xikmada badna ee laga hayay nin philosophy ah ee uu lahaa qof walba waa la necebyay waxaanu aqoon!! Tusaale ahaan adigu hadii aad cuni jirtay hilib geel oo lagu keeno ayax ama shimbiro waad necbaysanaysaa sidan waxa ka dhigan hadii aad taqaanay inad gurigaaga ku kaydsato lacagtada ama aad adiga iyo dhawr qof oo kale isku darsan jirteen lacag oo kolba midkiin la siin jiray si uu wax ugu qabsado (hagbad) kaama dhadhici karto inad lacagtaada ku kaydsato bangi aanad hore u aqoon isticmaalkiisa oo kugu cusub, nin philosophy ah ayaa laga hayay game ka waxa la ciyaaraa  marka aad shuruucdiisa baratid bangigina waxa la isticmaalaa markad shurucdiisa fahantid.

 Waxan idinla wadagayaa qiso yar oo gaaban oo uu nooga sheekeyay macalin jaamacad Uganda ah noo dhigayay  qisadan oo ku dhacday gabadh somaliyeed, gabadhan somaliyeed waxa loo soo diray lacagtii biilka iyo tii jaamacada halkii ay lacagta ka dhigan lahayd bank account waxy lacagtii ku ridatay qolfada mobile ka ee xaga dambe, dabadeed waxa dhacday in mobile kii laga xaday lacagtiina ka raacday! Waa arin naxdin badan hadana layaabkeeda leh. Siday doontaba  ha ahaate waa arin tusaale u ah shacabka soomaaliyeed oo ay kala kulman fahan la aanta bangiyada dhacdadan  iyo dhacdoyin kale oo kasii waawayn. Hadaba umada soomaaliyeed waxay u bahanatay in  la fahansiiyo isticmaalka baananka meel kasta oo ay jogan iyadoo loo samaynayo dhiirigalin, xayaysiin lana tusayo faa-idada ay u leeyihiin. Bangiyadu maaha meel lagu kaysado lacagta oo kaliya lakin way ka macno balaadhanyiin waxanay leeyiin qaybo kala duwan iyadoo lagu kala saarayo shaqooyinka ay qabtaan iyo qaab dhismeedkooda, hadii aan soo qaadano noocyo kamida bangiyada waxa ugu muhiimsan kuwan;

  1. Bangiga dhexe (central bank): waa bangiga bangiyada wana bangiga dawlada.
  2. Bangiyada gaarka ah (specialized bank): waa bangiyada aan dawliga ahayn ee gaar loo leeyay.
  3. Bangiyada ganacsiga ah (commercial bank): wa bangiyada u gaarka ah ganacsiga.
  4. Bangiyada islaamiga ah (islaamic bank): waa bangiyada ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah.
  5. Bangiyada maalgelinta (investment bank): waa bangiyada dhiiri galiya maalgalinta.

 

 

 

Bangiga dhexe (central bank):

Bangiga dhexe waa haayada ugu muhiimsan ee wadan leeyahay, sababto ah bangiga dhexe wuxu saamayn wayn ku leeyahy gabi ahanba ganacsiga wadanka,maalgashiga, shaqo abuurka, sharciyaynta iyo shuruuuc u dajinta bangiyada iyo haayadaha kale ee ka ganacsada lacagta,dajinta sicirka lacagta iyo waxa ay qarash garanayso dawlada wadankaasi.

Shaqoyinka ugu waawayn ee bangiga dhexe qabto waxa ka mida:

  1. Inuu bangi u noqdo dawlada iyo waliba bangiyada kale.
  2. Inuu kormeero suuqyada bangiyada kale.
  3. Inuu kormeero daynta lagu leeyahay dawlada.
  4. Inuu noqdo haayad badbaadisa bangiyada kale hadii ay kacayaan.
  5. Inuu fuliyo siyaasada lagu maamulo sicir goynta lacagta suuqa ku jirta . waxay sicir goynta lacagtu muhiim u tahay bangiga dhexe, Sicirka lacagtu wuxu saamayn ku yeesha alaabta soo dagta iyo ta dhoofta. Waa habka kaliya ee lagu ogaan karo tartanka dhaqaale ee wadan kula jiro wadan kale.
  6. Inuu ruqsado siiyo baananka cusub iyo kuwii hore (license).

Intaa waxaan ku dari laa inay muhiim tahay marka ay dawladu bixinayso mashaariic ay ku bixiso  lacagteeda wayo tani waxay ka caawinaysaa bangiga dhexe inuu sargooyo sicirka lacagta.

Sidoo kale waxa muhiima inuu bangiga dhexe yeesho suuqa sarifka lacagaha qalaad, tani waxy u sahlaysaa bangiga inu gacanta ku hayo sicirka lacagaha qalad iyo ta dalkaba (shilling). Akhriste intan kuma koobi karno bangiga dhexe wuxuu yay iyo shaqadiisa hadii Alle idmo waxan isku dayi doona inan ka diyaarino maqaal ugaar ah.

 

Bangiyada gaarka ah:

Bangiyada gaar ka ah waxay leeyihiin qaybo badan waxana kamida:

  1. Bangiyada beeraha (agricultural banks): waa bangiyada dhiigir galiya wax soo saarka beeraha, dhulkeena waqtigan lagama heli karo bangiyada noocan ah!
  2. Bangiyada warshadaha (industrial banks): waa bangiyada dhiirigaliya wax soo saarka warshadaha.
  3. Bangiyada guryaha (real state banks): bangiyadan waa bangiyada dhiiri galiya dib u dhiska dalka, bangiyada noocan oo kale ah way ka jiri karan dhulkeena lakin waxan jirin dadkii aqoonta u laha wayo tusale ahaan shirkadaha faraha badan ee dhismaha ayaa dalka dhisi laa qaybo kamida dabdeedna isku magacabi laa bangiga dib u dhiska dalka lakin ma fahansana! Ama baananka caadiga ah ayaa la xidhan laa shirkadaha dhismaha dalkana dib u dhis ku samayn laa ee waxa jirta hagrasho iyo aqoon daro!
  4. Bangiyada ganacsiga debada (international trading banks): bangiyada noocan oo kale ah waxay dhiiri galiyaan ganacsiga dibada oo tusaale ahan qofkii uga baahnaa china ama jaban gaadhi ama badeecad kale ayay uso qaadan oo ay u fududeeyaan, ashkhaas aya ku shaqaysta bangiyada noocan ah lakin ma fahansana inay bangi abuuri karan ganacsi!

 

Bangiyada islaamka iyo kaalintooda sakada

Bangiyada islaamku waa bangiyada aan lahayn dulsaarka iyo dheef korka sidoo kale waa bangiyada ku shaqeeya nidaam islaamiga ah.

Bangiyada islaamku waxay ka qayb qaataan ururinta sakada, maamulkeeda iyo sidoo kale gaadhsiinta cidii xaqa u lahayd ee sakadu ay ku baxaysay.

Marka ugu horaysa bangiyada islaamku waa sako bixiyayaal, shaqada labaad ee kaga aadan sakada waa inay dhiiri galiyaan bixinta sakada iyakoo macaamiishoda u diraya fariimo ay ku xasuusinayaan sako bixinta iyo sanduuq ama account u gaara sako bixinta.

Hadaba waxa is waydiin mudan muxuu Somaliland ama Somalia uga hirgali waayeen baanan kala duwan?

Su aashan jawaabteeda oo u baahan in laga qora maqaal gaara waxn isku dayi dona inan kuso kobo qodobo dhawra oo ay kamid yihiin:

 

  1. Waxa lagu sheegay website ka CIA in dhaqalaha ama GDP Somalidu uu aad u hooseeyo sidaasoy tay wuxuu bangiga aduunku u aqoonsanyay dal dhaqalihiisu aad u hooseyo oo faqri ka jiro.
  2. Inbadan oo kamida dhulka somalidu dagto gaar ahaan konfurta soomalia oo amni daro ba an ka jirto, oo aan lagu soo dhiiran Karin.
  3. land burburkii dawladii Somalia 1991 ilaa manta wax aqonsiya may helin taasina waxay sababtay in aan laguso dhiiran Karin Somaliland.
  4. Sharci adayg dhanka dawlada ah (legal risk)
  5. Baananka aan islaamiga ahyn oo aan kusoo dhiiran Karin Somaliland iyo Somalia madaama oo ay dadku 100% muslim yihiin oo aanay diinta islaamku u banyan dulsaarka.
  6. Shacabka oo aan fahansanayn qiimaha iyo faaidada 

 

 

Iyadoo ay sidaa tahay waxan rajaynaya in mar kaliya ay Somaliland iyo Somalia ay isku badali doonaan goobo bangiyadu aad uga hir galaan sababtoo ah

Xawlada ayaa burburkii  iyo ka go-itaankii Somaliya kadib ugalay kaalintii baananka, waan hubaa in maalin maalmaha ka mida xawaaladaha tirada badan ee ka shaqeeya dhulka Somaliland iyo Somalia ay isku badali doonaan baanan caalamiya.

 

W/Q: Cabdifataax Sulaymaan Cawil

MBA

Islamic University In Uganda (IUIU)

Date: 09/ jan/2018

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here