Axdi Lumay qaybtii 2aad W/Q Amal M.M Kastan

0

Wiil dherer dhex dhexaada leh oo dhuuban, midabkiisuna maariin casaan xiga yahay ayaan isha qac ku siiyay markaan kor u eegay qofkan aan is jiidhnay, ilko cas ayuu ku dhoolo cadeeyay, wuxuu xidhnaa garan gacmo gaaba oo isugu jira madaw iyo cadaan iyo surwaal jiinis ah. Jidh ahaan wuu dhisnaa oo wuu i soo jiitay, qosolkiisuna qalbigayga ayuu taabtay, sidaan isugu dhacnay ayaaba ka sii yaab badnayd. Cabaar markaan is eegaynay ayaan is aqoonsanay inaanu nahay arday isku fasal ah.

Caamir: Raali noqo walaalshay, kumaan arkayn ee si kedisa ayaan kuugu dhacay.

Xamda: Dhib malaha walaal qaali.

Caamir: Haye walaal, maxaad u soo baxday?

Xamda: Waan kululooday oo laydha qaado ayaan is idhi ee meelahan sharaab ama biyo ma lagu iibiyaa?

Caamir: Anigaa kuu soo iibinaya walaal ee iska sii fadhiiso gudaha.

Xamda: Haye walaal.

Markuu iga dhaqaaqay ayaan dib u sii yara eegay xoogaa anigoo la dhacsan wiilkan dhaqankiisa iyo qaabkiisaba. Waxaan iska galay gudaha oo asxaabtii ayaan markiiba dhinaca ka galay, kuna mashquulay. Sacabka iyo jiibinta ayaan dhinaca ka adkeeyay oo buraanbur ayaa socday lagu amaanayo inanta aroosada ah. Anigoo iska ilaabayba ayaa mar qudha arkay qof nin ah oo I daba taagan, magacaygana iigu yeedhaya, mise waaba wiilkii Caamir oo ii sida sharaabkii qaboobaa. Waan ka qaatay una mahad celiyay, xoogaa markaan ka cabay ayaa taleefankaygu soo dhacay, waxaana isoo wacday hooyo oo I leh ”waad raagtaye kaalay”.

Inaan baxo ayaan niyaystay, saaxiibaday Deeqa ayaan usheegay inaan tagayo, waxaanay ila raadisay gaadhi iqaada maadaama xafladu wali socoto oo iyagu sii joogayaan, aniguna waxaan aaday suuliga oo aan u baahday, markaan soo baxay waxaan u imiday iyadoo la taagan Caamir, waxay markiiba igu tidhi innankan ardaydeena kamida ee aanu asxaabta nahay ayaa ku sii qaadaya saaxiib, anigoo yara naxsan ayaan si degdega uga aqbalay una sagootiyay, wiilkii ayaa iga furay albaabka gaadhiga , waan galay oo fadhiistay. Waxaa u shidnayd hees uu qaado Lafoole oo aan jidka ku sii marnay:

Dabacsanida hadalkiyo,

Deganaantu inanyahay,

Waa waxa dareenkiyo,

Nafta damaca galiyee,

Kaa doortay qayrkaa,

Dugsi dhaxanta celiyiyo,

Dawadayda ii tahay,

Adigoo dal dheer jiraan,

Halkan kaa dareemaa,

Deeqa waan ku jecelahay.

Heestan macaan iyo jawiga degan waxa ii dheeraa wiilkan oo kolba kaftan iyo sheeko na dhex maraysay, saacadu goor ay oroday mooyee mar qudha ayaan arkay anigoo xaafadahayagii dhex jooga, waan ka degay baabuurka, kadib gacan ayuu ii soo taagay salaana, waan ka qaaday kana dhaqaaqay, albaabka gurigayaga ayaan garaacay, waana layga furay, dharkii ayaan iska badalay oo aan laalaabay, xagaa iyo jikada ayaan galay si aan cunto uga raadsado, saddex midh oo laxooxa iyo harakoo ayaan cunay. Qolkayga ayaan galay oo sariirtaydaan gogladay si aan u jiifsado.

Taleefanka ayaan ku buuxsaday saacada aan subaxa dugsiga u kici doono, nalka ayaan damiyay, kadibna indhahaan isku qabtay si aan u seexdo mise hurdoba ii ma imanayso, xoogaa baan ku raftay furaashka ilaa aan xaqiiqsaday inay wax iga qaldan yihiin, marwalba waxa I hor imanayay wiilkii muuqaalkiisa iyo siduu iila hadlayay, markaan cabaar ka fikiroba, hadana waxaan isku dayay bal inaan gam’o, goor ay saq-badh tahay ayaan indhaha is geliyay. Xoogaa kadibna waxaaba igu qayliyay taleefanka oo sheegay inay gaadhay saacadii aan kici jiray, dirqi baan ku kacay, hurdo iyo caajis badan baa I hayay, maydh maydhasho iyo quraac kadibna waxaan xidhay dirayskii dugsiga. Bas baa ii qaada dugsiga oo iigu yimaada guriga hortiisa, markaan raacayba waxaan helay dhawr kamida hablahaan isku fasalka nahay oo isku xaafado aan nahay, baskana sheeko wadaag ku nahay. Kaftan iyo qosol kadib waxaa la soo gaadhay dugsiga. Waxaan markiiba tagay xaga dukaan laga iibsan jiray nususaacaha si aan wax uga soo iibsado maadaama oo saaka aanan quraac fiican cunin, markaan dukaanka galay waxaa niyadayda xoog uga dhex guuxayay imtixaan xisaaba oo aanu maalintaa galaynay, mar qudha ayaa waxaa si kedisa iiga soo hor baxay Caamir oo isaguna koob shaaha iibsanaya, wuu isalaamay si qalbi furan kadib wuuu iwaydiiyay xaaladayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here