Atariisho caan ah ninkeeda oo loo haysto filim anshax xumo ah

0

Maalimihii lasoo dhaafay waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada qabsaday kiis ku saabsan mid ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn dalka Hindiya oo lagu eedeeyay inuu sameeyo filimada anshax xumada ah.

Raj Kundra, oo heysta dhalashada Britain, islamarkaana ah ninka qaba xiddigta Bollwoowka ee lagu magacaabo Shilpa Shetty, waa milkiilaha koox ka tirsan horyaalka cricket-ka hindiya ee ah tartanka ugu dhaqaalaha badan caalamka.

Booliska oo xabsiga u taxaabay ayaa hadda sheegaya in ganacsadahan 45 jirka ah uu yahay “qorsheeye muhiim ah” oo ka tirsan shirkad soo saarta filimada anshax xumada ah, taasoo ka shaqeysay in haween jirkooda ka ganacsada lagu faafiyo internet-ka.

Mr Kundra ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay. Qareenkiisa, Abad Ponda, ayaa sheegay in Mr Kundra “xarigiisa uu yahay mid sharci darro ah”.

Sagaal ruux oo lala xiriirinayo arrintaas ayaa la xiray ilaa hadda, waxaana socda baaritaan soo billowday bishii February. Dadka xiran waxaa ka mid ah qof jilaa ah, filim soo saare iyo mas’uul ka tirsanaa shaqo fulinta shirkadda.

Sida ay sheegeen booliska, eedeysanaha wuxuu ballan qaadyo been ah u sameeyay si uu dumar ugu soo xero galiyo inay ka qayb qaadanayaan muuqaallo xayeysiin ah.

Muuqaalladaas ayaa la sheegay in lagu duubay guryo – kaddibna waxaa lagu shubay barnaamijyo telefoonka ku shaqeeya oo ay isticmaalaan ilaa 400,000 oo qof – kuwaasoo bil kasta bixiya lacag dhan 200-400 rupees (oo u dhiganta qiyaastii $2.70-$5.40)

Mr Kundra ayaa sida ay booliska sheegeen waxa uu ahaa milkiilaha shirkad muuqaalladaas anshax xumada ah soo galisay barnaamijyadaas telefoonka ku shaqeeya.

Raj Kundra ayaa 20-kii bishan July lasoo xiray isagoo jooga gurigiisa ku yaalla magaalada Mumbai. Wuxuu hadda wajahayaa dacwado la xiriira khiyaano, iibinta muuqaallo anshax xumo ah iyo “xayeysiinta waxyaabo mamnuuc ah”.

Police escort arrested Bollywood star Shilpa Shetty's husband Raj Kundra (L) for allegedly producing and broadcasting pornographic films online, in Mumbai on July 20, 2021.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Raj Kundra, oo ay wadaan askar ka tirsan booliska Mumbai – oo lasoo sawiray Talaadadii, wuxuu beeniyay inuu khalad sameeyay

Sida uu qabo sharciga Hindiya, daabicidda ama sii deynta muuqaallo iyo codad aan “la xiriira galmo” oo ay ku jiraan filimada anshax xumada ah waa mamnuuc waxaana lagu muteystaa xabsi gaaraya ilaa toddobo sano.

Laakiin daawashada iyo sameynta filimada anshax xumada ah ayaa wali heer sare ka mareysa Hindiya oo shacabkeeda lagu tilmaamo kuwa ugu badan ee daawada muuqaallada noocaas ah.

4-tii bishii Februry ee sanadkan 2021-ka, koox ka tirsan booliska Mumbai – oo lasoo xiiyay xog far fiiqid ah – ayaa galay albaabka goob la sheegay in lagu duubayay filim anshax xumo ah.

Waxay arrintaas ka dhacday tuulo lagu magacaabo Madh oo ku taalla duleedka dhinaca waqooyi ee magaalada Mumbai, waana meel caan ku ah in lagu duubo filimada Bollywood-ka.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay halkaas ku qabteen labo ruux oo qaawan iyo haweeney muuqaal ka duubaysay.

Telefoonno, kumbuyuutarro iyo kaamirooyin ayaa sidoo kale laga soo qabtay goobtaas. Shan ruux oo uu ku jiro nin kale oo duubista muuqaalka gacan ka geysanayay ayaa lasoo xiray.

Halkaas waxaa ka billowday baadhitaan baaxad leh oo qota dheeraaday, kaasoo sababay in la helo lambarrada dumar kale oo sheegay in lagu khasbay duubista filimadaas.

Indian Bollywood actress Shilpa Shetty (R) poses with her husband Raj Kundra as they attend the Indian premiere of the Hollywood film 'Fast & Furious 7' in Mumbai late April 1, 2015.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Mr Kundra iyo xaaskiisa Shilpa Shetty

Booliska ayaa sheegay in kiiskan uu u kala qaybsan yahay labo. Mid waa soo xiridda dadka soo saara filimadan anshax xumada ah midna waa soo xirdda dadka internet-ka ku faafiya.

Dambi baareyaasha ayaa sheegay inay sidoo kale ku raad joogaan shirkad uu fadhigeedu yahay UK oo lagu magacaabo Kenrin – taasoo ay sheegeen in Mr Kundra uu ku iibiyo filimada anshax xumada ah, si uu uga badbaado sharciga Hindiya ee mamnuucaya howlahaas.

Shirkadaha Apple iyo Google Store ayaa iska saaray shirkaddaas oo adeeggeeda laga heli jiray kaddib markii ay heleen cabashooyin badan.

Inkastoo shirkaddan ay ku taallo London, shaqadeeda waxaa gacanta ku hayay shirkadda Mr Kundra oo lagu magacaabo Viaan. BBC-da uma suurtagalin inay su’aalo ku saabsan arrintan waydiiyo maamulka Viaan.

Maalintii Talaadada, dambi baareyaasha Hindiya ayaa fatashay xafiiska ay Viaan ku leedahay magaalada Mumbai.

Boolisku waxay sheegeen inay halkaas ka heleen filimo anshax xumo ah. Waxaa sidoo kale la helay qoraallo Whatsapp iyo farriimo ku saabsan waxyaabahaas, sida ay boolisku ku warrameen.

Ma aha markii ugu horreysay ee Mr Kundra uu lugaha la galo arrimo muran dhaliyay. Sanadkii 2013-kii ayaa lagu eedeeyay inuu musuqmaasuq ku sameeyay ciyaaraha tartanka horyaalka Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here