Ardaygii Geesiga Ahaa! Q: Maxamed Haaruun

0

Wuxu yidhi ardaygii Reer-Hargeysa, jaamacadda aanu dhigan jirnay, imtixaankii 1aad ee lagu galaayay bilawgiiba waa la wada maray, waana la wada baasay oo qofna ma hadhin. Intii aanu dhiganaynay, qof u hadhay imaatin la’aan, amaba shaqo loo diray oo uu qaban waayay, amaba wax kale, marnaba ma jirin. Markii aanu jaamacadda dhamaynay na, boqolkii 90 ardaydu waxa ay ku baaseen darajada koowaad ama koowaad iyo dheeraad – Star or star plus.

Jaamacaddan iyo kuwa kale ba waxa caadi ahayd, oo aan cidina isu diidan, in la kala eegto, amaba la soo copy gareeyo qoraallo dad kale leeyihiin oo internet ka ama meelahaas kale laga keenay, oo qofku iska soo buuxsado kolka shaqo loo diro. Jaamacaddu maba lahaa xeer waxaas reebaaya (Anti plagiarism policy), xataa plagiarism kalmad ahaan looma yaqaan. Nalooma dhigin sida aqoonaysan ee wax loo qoro (academic writing), sida wax loo soo xigto (referencing) iyo sida saxda ah ee cid kale qoraalkeeda loo isticmaalo. Ardaydu in ay galaan oo soo copy gareeyaan website yo aan micno badan lahayn, sida Wikipedia oo kale, wax caadi ah ayay ahayd, xataa marar badan mareegaha ama link yada wax laga keenay ma aanu ka saari jirin qoraalka, saa cid nagu qabsanaysaa ba ma jirin.

Jaamacadda waxa aad ba moodaa, buu yidhi, meel dhalintu u shukaansi timaad, qof kastaana waxa uu isku dayaa in uu u soo labisto qaabkii u dambeeyay. Xataa waxa caadi ahayd in gabdhuhu ayba labis dheeraad ah soo qaataan oo hal mar uGu yaraan labiskooda bedelaan inta ay jaamacadda joogaan. Hawl laga warwaro ama lagu mashquulo oo Meesha taalay ma jirin, sidaas darted in labiska iyo kaftanka lagu mashquulo caadi ayay ahayd. Intan aan qurbaha imid, ardayda mid ladan iyo mid sabool ah ma kala saari kartid, maxaa yeelay mid waliba maro yar oo uu boqol jeer maydhay iyo koodh yar uun buuba ku dheganyahay oo buug uun ku fooraraa had iyo jeer, anaka se sidaas ma ahayn.

Intaas waxa dheerayd, ayuu yidhi, ardaydu iyaka ayaa macalimiinta kala doorta, kii wax ku adkeeya ama hawl badan la gala na, waxa fududayd in maamulka loo sheego, ka dib na macalinkaas digniin la siiyo ama laba eryo. Ardaydu in ay macalin ka cabato, oo weliba kaga cabato in uu wax ku adkeeyay, amaba eeddo kale loo sameeyo waxa ay ahayd mid caadi ah. Haa, mic caadi ah oo aan cidina iskula yaabin ayay ahayd. Macalinka aanu tuurno waxa aanu odhan jirnay – way la tagtay hebel. Waa hadal laga dhaxlay xiliyadii dagaalada – qofka ay xabaddu ku dhacdo ayaa la odhan jiray xabaddii baa la tagtay.

Isaga oo sii wada waxa uu yidhi – sanadkii kasta boqolaal arday baa qalin jabin xaflad ah loo qaban jiray, Madaxweynaha, wasiirada iyo siyaasiyiinta kale na cidi ma maqnaan jirin. Maalintaas waxa laga hadli jiray wax badan oo aan jaamacadda iyo ardayda toona khusayn, iyo wax aad u yar oo ardayda ku saabsan. Waxa jaamacadda aan khusayni waxa uu ahaa hadalo nimanka loo yeedhay ay isku duraan oo arimo shakhsi ah ku saabsan. Hadaladooda inta ardayda khusaysaa na, waxa ay ahayd hadalo isku mid ah oo aan sanadna is bedelin.- ducooyin aan afka dhaafsiisnayn, hambalyo bilaa nuxur ah iyo hadalo rajo-gelin mustaqbalka ah u badan. Siilaanyo u gu yaraan laba jeer oo uu jaamacadda yimid waa joogay, markii anigu aan ka baxaayay na, muuse ayaa noo yimid oo 2018 ayay ahayd.

Hoos waa isu ogaa in aanaan wax sidaas u buuran Meesha ka baranin, ceebtii u gu waynayd se waxa ay igu dhacday kolkii aan debedda u soo baxay, ee masters digree dalbaday. Waxa aan awoodi waayay in aan qoraal gaaban oo tijaabo ahaa sameeyo. Xataa calaamadaha qoraalka, sida hakad, joogsi iyo calamad-su’aal ayaan si joogto ah oo qorshaysan u isticmaali waayay ilayn hore nalooma waydiin jirine. Xataa paragraph iyo magac ayaa aan ku bilaabay xuruuf yaryar (small letters), kolkii la igu qabsaday na, dib baan isu la yaabay. Sababta aan isu la yaabay waxa ay ahayd, tusaale ahaan, in xaraf weyn bilawga qoraalka iyo magacyada ba ay khasab tahay in loo adeegsado waa aqaanay oo la ii sheegi jiray, laakiin cidina ma igu qabsan jirin marka aan samayn waayo. Waxaasi muhiim ba ma ahayn marnaba, laakiin muhiimadoodii maalin kale ayay soo baxday oo aan dhidid ku waashay markii la I waydiiyay sababta aan sidaas wax u gu qoraayo.

Hadal iyo dhamaan, buu yidhi, waxa aan ku khasbanaaday in aan waxaygii daadiyo oo meel hoose ka bilaabo wax walba, laakiin saaxiibaday yaa ka daadinaaya wixii ay xambaarsanaayeen? Waxa uu ku soo xidhay – Wax kasta oo aan ogaaday markii aan debedda u soo baxay in uu qalad ahaa, anaka caadi buu markaas noo ahaa. Waxa aanan garanaynin, buu yidhi, dawladda, wasiirada iyo siyaasiiinta oo dhan in ay wax dareen ah ka qabaan haba yaraadee, in khasaarahaas masuuliyaddi ka saarantahay. Umad hadii la baabiinaayo, nidaamka waxbarashada uun baa laga musuqqaa. Maba u baahna in nukliyeer (nuclear) lagu qarxiyo. Sidaas buu igu yidhi ardaygii geesiga ahaa.

Waa: M. Haaruun

Fiiro Gaar ah: (Sheekadani waxa ay ku salaysantahay in aad u kooban oo ka mid ah wadasheekaysi aan la yeeshay ardayda Hargeysa ku sugan iyo kuwo ka yimid oo aan qurbaha kula kulmay. Intaas waxa dheer, waxoogaa guudmar ah oo aan ka helay barayaasha jaamacadaahaas qaarkood. Khasaaraha balaadhan ee ka jira dhinaca wax barashada, ee deegaankaas iyo kuwa kale ba, waa mid u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho, hadii raali lagu wada yahay baab’a mujtamac idil na waa arrin kale.)

Q: Maxamed Haaruun (mbiixi@gmail.com)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here